Machadka CSI Oo Tababar U Furay Maayarada Toddoba Degmo Iyo Waaxaha Xisaabaadka

11
517

Hargeysa (Geeska) – Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee CSI, ayaa shalay Huteelka Maansoor Tababar uga furay Maayarada iyo xoghayayaasha dawladaha hoose ee 7-da degmo ee uu ka shaqeeyo Mashruuca JPLG.

Tababarkan oo deba socday Tababar Khamiistii toddobaadkii hore loo soo xidhay Agaasime-waaxeedyadaha xisaabaadka ee dawladaha hoose ee degmooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Gabiilay, Burco, Sheekh iyo Oodweyne, ayaa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, Agaasimaha Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda, Prof. Maxamed Mixiled Boqorre iyo Madaxa Mashaariicda ee hay’adda UN-HAPITAT oo maalgalisay tababarkan iyo weliba masuul kale oo ka socday hay’addaasi.

Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda, Prof. Maxamed Mixiled Boqorre, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeedada tababarkan iyo waxyaabaha uu ku saabsan yahay, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) wuxuu Machadka Tababarka shaqaalaha ee CSI, tababar u furayaa Maayarada dalka, Waxaanu bari doonaa habka Maaliyadda dawladaha hoose, Habka Mashaariicda loogu sPicture2ameeyo, Miisaaniyadda sida loo sameeyo iyo habka cashuurta loo qaado, tababarkana waxa uu soconayaa lix Maalmood haddii Alle yidhaahdo, waxaanu rabnaa inay mudadaa aqoonta ka faa’deystaan”

Prof. Boqorre, waxa uu Masuuliyiinta tababarka loo furay u sheegay in Machadka CSI uu u soo xulay Macalimiintii ugu fiicnaa Machadka, sidaa daraadeedna ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo “Waxaanu idiin soo xulnay Macalimiintii ugu qaalisnaa Machadka Tababarka shaqaalaha”ayuu yidhi Agaasimaha Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda, Prof. Maxamed Mixiled Boqorre

Cabdiraxmaan, oo ka socday hay’adda Maalgalinaysa Tababarkan loo furay Maayarada iyo xoghayayaasha dawladaha hoose ee UN-HAPITAT, ayaa isaguna yidhi “Tababarkan waxa loogu talo-galay in Maayarada iyo Xoghayayaasha dawladaha hoose la xasuusiyo, habka loo maamulayo xisaabaadka dawladaha, wuxuuna qayb ka yahay barnaamijka Wadaaga ah ee JPLG ee shanka hay’adood ee qaramada midoobay ka tirsani sida wadajirka ah u fulinayaan, dhinaca dawladdana wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakiil ka ah”

Masuulkan oo sii hadlayaa waxa uu intaa ku daray “Waad ogtihiin oo doorasho ayaa la galay, waxaana ku soo baxay Maamullo cusub, markaa waxa qasab noqotay in tababaradii la bixinayey dib la isku xasuusiyo, annaguna UN-HAPITAT ahaan sidii doorashadu u dhacday 2012-dii, waanu garab taagnayn dawladaha hoose, imikana waanu la shaqeyn doonaa, haddii Alle ka dhigo, markaa waxaanu jecelahay in aqoontaasi laga faa’ideysto, tababarkana wuxuu khaas u yahay Maaliyadda (Maamulka Maaliyadda)”, waanan ku kalsoonahay in aqoontaasi ay sidii loo baahnaa u bixi doono (loogu shaqeyn doono)” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan.

Madaxa Mashaariicda ee Hay’adda UN-HAPITAT Mr James,  ayaa isaguna hadal kooban oo uu furitaankii tababarkan ka jeediyay ku sharaxay tababarkan iyo muhiimadda uu u leeyahay Masuuliyiinta loo furay iyo hagaajinta habka Maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan idinku soo dhaweeyo tababarkan ay bixinayso CSI, waxaan uga mahad-celinayaa Machadka CSI, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo UN-HAPITAT, inay suurto-galiyeen qabsoomidda Tababarkan, tababarkani wuxuu qayb ka yahay sidii loo horumarin lahaa ismaamulka dawladaha hoose, tababarkan waxa loogu talo-galay Maayarada iyo xoghayayaasha dawladaha hoose iyo shaqaalaha Maaliyadda ka shaqeeya ee toddobada degmo ee Mashruuca JPLG ka shaqeeyo”

Mr James, waxa kale oo uu wax ka tilmaamay qorshayaasha hay’addooda ee sanadka soo socda “Waxaanu iman doonaa degmooyinkiina si aanu dib u qiimayn ugu sameyno barnaamijkii xisaabaadka dawladaha hoose, waxa kale oo qorshaha noogu jirta in tababarada la joogteeyo si karti dhisiddu ay u socoto, waxa kale oo aanu hay’adaha kale iyo wasaaradda arrimaha gudaha kala shaqeyn doonaa, idinkana aanu idiinla iman doonaa, sidii loo samayn lahaa siyaasad guud oo Maaliyadda ama xisaabaadka dawladaha hoose lagu maamulo”ayuu yidhi.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, oo isagu furay tababarkan, ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ku yidhi “Tababarkani wuxuu kabayaa ama uu taageerayaa qaabka dawladaha hoose u diyaarsadaan Miisaaniyadaha ama maamulku u wadaan xisaabaadka, Khamiistii waxaanu soo xidhnay tababar kale oo ay naga caawisay hay’adda UN-HAPITAT, waxaana la siiyay tababar ah qaabka xisaabaadka iyo Miisaaniyadaha u diyaariyaan, kana (Tababarkii shalay furmay) wuxuu deba socdaa dhinicii Maamulku go’aanka ay ku yeelanayaan sida loo maamulayo Miisaaniyadaha degmooyinka, si la isula jaan-qaado, si wixii u noqdo fikir midaysan”

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha guduhu, wuxuu isla shalay xarunta Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee CSI uu tababar uga furay shaqaalaha waaxyaha dhakhli ururrinta ee dawladaha hoose ee 7-da degmo ee Mashruuca JPLG ka socdo, kaasi oo deba socday tababar Khamiistii loo soo xidhay Agaasime-waaxeedyada xisaabaadka Miisaaniyadda iyo dakhli ururrinta.

Agaasimaha Machadka CSI oo isagu ugu horeyn furitaanka tababarkan labaad ka hadlay ayaa isaga oo sharaxaya waxyaabaha uu ku saabsan yahay ee la bari doono shaqaalaha yidhi “Waxaanu halkan ka furaynaa tababarka kale oo la siinayo shaqaalaha waaxaha dawladaha hoose, oo aanu ku barayno, qaabka dakhli ururinta iyo xisaabaadka, si dadku isula jaan-qaado”

Tababarkan oo ah wejigii labaad ee loo furo waaxaha dakhli ururinta iyo xisaabaadka dawladaha hoose, ayaa waxa furitaankiisii ka hadlay Madaxa Mashaariicda ee hay’adda UN-HAPITAT, Mr James, oo ammaanay dedaalka Machadka CSI ugu jiro tababarida shaqaalaha iyo masuuliyiinta kala duwan ee dawladaha hoose ee dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Cabdisamad Cumar Maal, oo isaguna furay tababarkan, ayaa shaqaalaha loo furay u soo jeediyay inay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo isla-markaana hadhow kula noqdaan deegaanadoodii, kuna dabaqaan shaqooyinka ay ummadda u hayaan, isaga oo sidoo kalena ammaan u soo jeediyay Machadka CSI.

 

Comments are closed.