Dugsiga KAAFI Academy Oo Dugsi Caalami Ah Dalka UK Kula Soo Galay Heshiis Waxbarasho

15
872

Picture1Hargeysa (Geeska)- War-murtiyeed uu soo saaray maamulka sare ee dugsiga KAAFI Academy ayaa ay kaga hadleen safar uu dhowaan maamulaha dugsigu ku tegey dalka Ingiriiska oo uu ka soo qabtay hawlo muhiim ah oo khuseeya dugsiga KAAFI Academy oo bishii Sagaalaad (September) ee sannadkan laga furay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa. War-murtiyeedkaas waxa uu maamulku ku yidhi, “Safar gaaban oo uu maamulaha dugsiga KAAFI Academy Md. Ibraahim Macallin Aadan ku tegey wadanka Ingiriiska oo ay ku sugan yihiin badiba xubnaha maamulka sare ee dugsigaa Kaafi ayaa ay maamulka iyo mulkiilayaashu kulamo ay yeesheen iskula eegeen hawlaha dugsiga u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu furnaa iyo habsami socodka hawlihiisa, iyo weliba sidii loo dhamaystiri lahaa qaybaha dugsiga ee weli dhiman, oo ay ugu muhiimsan tahay maktabadda dugsiga (School Library), adeegyada ciyaaraha iyo jimicsiga ardayda iyo fasallo dheeraad ah oo dhowaan la furi doono”

War murtiyeedka uu maamulka sare ee dugsiga KAAFI Academy soo saaray waxa uu intaas ku sii daray; “Geesta kale, Mudane Ibraahim intii uu ku sugnaa UK waxa uu soo dhamaystiray heshiis uu la soo galay Mr. Bob Blucher, oo horaanta sanadka cusub (2014) la wareegi doona maamulka dugsiga Kaafi Academy” Isaga oo intaas ku daray in Mr. Blucher uu dhowaan ka si rasmi ah uga hawlgeli doono xarunta dugsiga ee magaalada Hargeysa oo uu isagu maamul ka ahaan doono. Sidoo kale, Ibraahim wuxu heshiis kale la soo galay maamulka Avasina Academy oo ah dugsi sare (secondary) oo ku yaala magaaladda Birmingham ee carriga engriiska. Heshiiskaas oo dugsiga KAAFI ka caawin doona hirgelinta dugsiga sare oo mustaqbalka dhow lagu dari doono iyo in ardayda dhammaysata la siiyo shahaadooyin laga aqoonsanyahay wadanka Ingiriiska iyo guud ahaan ba caalamka intiisa kale. “Sidoo kale, dugsiga Avasina Academy waxa uu iskuulka Kaafi Academy kala shaqayn doonaa horumarinta xirfadda macalimiinta iyo helista buuggaagta iyo macluumaadka kale ee muhiimka u ah tayada waxbarashada caruurta” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka uu soo saaray KAAFI Academy.

Maamule Ibraahim Macallin waxa uu dugsiga u soo gudoomay deeqo kala duwan, oo isugu jira buuggaagta akhriska oo ay ugu deeqeen jaamacadda York University iyo dugsiyadda magaaladda Bristol oo maamulaha qudhiisu muddo dheer deggenaa, waxbarashadiisana ku soo qaatay, isla markaana qaar ka mid ah dugsiyadaas ka shaqayn jiray.

Ugu dambayntii waxaa war-murtiyeedkaa lagu sheegay in deeqahaas buugaagta ah, qalab iyo mishiinno uu dugsigu leeyahay iyo weliba hal bas oo uu dugsigu yeelan doono oo dhammaantood uu maamule Ibraahim ka keenay dalka Ingiriiska lagu wado I nay dhowaan soo gaadhaan xarunta dugsiga ee magaalada Hargeysa.

Maamulka sare ee Dugsiga Kaafi Academy waxay ugu bushaaraynayaan dadwaynaha Reer Hargeysa, iyo guud ahaanba gobolka, in dugsigu uu gudbinayo waxbarasho tayo leh, oo la jaan qaadi karta heerka caalamiga ah. Wixii xog ah ee ku saabsan dugsiga Kaafi Academy waxa lagala xidhiidhi karaa (info@kaafiacademy.org) ama tel ka: 0634256595.

 

Comments are closed.