Maraykanka Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweyne Xasan Sheekha Somaliya

22
518

Picture3Muqdisho(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa farriin adag u dirtay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladiisa.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Ms. Linda Thomas-Greenfield oo bedeshay ergaygii hore Mr. Johnie Carson, ayaa safar gaaban oo ay ku timid magaalada Muqdisho, waxa warsaxaafadeed ay ka soo saartay kulan ay la yeelatay Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku sheegtay in dawladda Maraykanku doonayso inay aragto dawlad Somaliya ah oo dadkeeda ilaalinaysa. “Degenaansho ay Somaliya mustaqbalka heshaa waxay u baahantahay wax ka badan jawaab amni oo lagu waajahayo cabsida argagixisada.” Ayay tidhi, waxaanay intaas raacisay, “Maraykanku wuxuu doonayaa inuu arko dawladda Somaliya oo dadkeeda ilaalin karta.”

Sarkaaladan u saraysa diblomaasiyadda Afrika ee Maraykanka ayaa sidoo kale waxa ay Jicmihii wadanka Kenya ka sheegtay in xukun ay maxkamadda Muqdisho ku riday weriyayaal soo tabiyay dhacdo kufsi ah iyo haweenaydii la kufsadayba uu ahaa xukun karaahiyo ah, waxaanay sheegtay inaanu Maraykanku aqbali Karin “Dareenka aan ka qabo arrintan waa mid la mid ah mid uu ka qabo qof walba oo kale. Waa wax aan nacayno oo karaahiya ah. Dhibanayaasha la kufsado ma aha in lagu dacweeyo isla kufsiga loo geystay, mana noqon karaan dhibanayaal labo jeer.” Sidaas ayay tidhi diblomaasiyadan Maraykanka ahi.

Hadaladan Maraykanka ayaa u muuqda inuu Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Somaliya uu sii luminayo kalsoonidii ay wadamada reer galbeedku ku qabteen markii xilka loo doortay oo aad u garab istaageen.

Weftigan Maraykanka ahi wuxuu isu aamini waayay inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qaabilay madaarka oo aanay dhaafin, taas oo muujinaysa inaanay weli reer galbeedku isku halayn Karin ammaanka Muqdisho.

 

Comments are closed.