Macaanka Badani Waxa Uu Keenaa Cimri Deg-Deg

0
974

Picture8Ottawa (Geeska)- Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Kanada ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in sonkortu ay xidhiidh adag la leedahay xanuunada la socda gabawga iyo sababaha gabawga keena. Cilmi-baadhayaashan reer Canada waxa ay ogaadeen in sonkortu gaar ahaan marka la eego sida ay ula fal gasho unugyada kala duwan ee qofka ay sabab weyn u noqon karto cimri degdeg iyo astaamaha gabawga oo qofka ku soo deg-dega, sida coodh-coodhka iwm.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka PLOS waxa ayaa ay xeel-dheerayaasha sameeyey ku ogaadeen in u adkaysiga da’da iyo soo shaac baxa astaamaha gabawgu ay xidhiidh weyn la leeyihiin hadba nooca cunto ee uu qofku isticmaalo iyo xaddiga uu ka cuno macaanka. Luis Rotich oo ka tirsan jaamacadda ay ka tirsan yihiin khubarada daraasaddan samaysay ee Montréal ayaa yidhi, “Daraasaddan waxa lagu fahmay xidhiidhka ka dhexeeya cimri deg-degga iyo muuqaalka gabaw ee waayadan dambe ku soo badanaya dunida iyo xaddiga sonkorta ee dunida lagu isticmaalo” waxa uu Luis intaas ku daray in baadhitaankan cilmi sahlayo in la baadho sida iyo dawada ugu fiican ee lagula tacaali karo gabawga.