Weeraradii Qasa Oo Sii Socda Iyo Qaramada Midoobay Oo Israa’iil Cambaaraysay

0
597

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay kuna sugan Qaza, ayaa BBC-da u sheegay in 19 qof ay ku dhinteen iskuul ay Israa’iil duqeysay.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Bob Turner, ayaa sheegay in Falastiinyiin ka badan 3 kun ay iskuulka hoy ka dhiganayeen xilliga ay duqeynta dhacday.

Weriye ka tirsan BBC-da oo iskuulka la duqeeyay tegay, ayaa waxa uu arkay laba fasal oo duqeynta ku bur buray, iyo sidoo kale kuraas iyo dhar dhiig leh.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada. Falastiiniyiin ay tiradooda ka badan tahay 150 kun oo ka qaxay duqeymaha saddexda todobaad socday, waxaana ay maciin bideen iskuuladda ay Qaramada Midoobay maamusho ee ku yaalla Qaza.

Israa’iil ayaa weerarro dheeraad ah habeen hore ku qaaday Qaza, weerarradaasi oo ay sheegtay in ay ku bartilmaameedsaneysay marinada dhulka hoostiisa laga qoday ee ay Xamas isticmaasho.

Isra'iil ayaa weli sii waddo duqeynta Qaza, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ugu yaraan 20 ruux ay ku dhinteen weerarradii ugu dambeeyay.

Ururka Islaamiga ee Xamaas ayaa sheegay in aanu diyaar u ahayn wax xabadjoojin ah intay Isra'iil ka joojinayso weerarrada isla markaana Qaza laga qaadayo xayiraadda saaran.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaanay hayn dhaqaale ay ku daryeesha qaxootiga Qaza, waxayna Isra'iil uga digtay inay la wareegi doonto u daryeelidda qaxootiga 200,000 gaaraya ee guryahooda ka soo barakacay.

Ururrada Falastiiniyiinta ayaa la filayaa inay maanta Qaahira ku shiraan si ay uga wada hadlaan dalabkooda ku aadan xabadjoojin laga hirgeliyo Qaza.