Masaajid Ku Yaala Nayjeriya Oo Lagu Dilay 56 Ruux

0
501

Nigeria(Geeska)-Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhintay weerar saladii subax lagu qaaday Masaajid ku yaala magaalada Konduga ee waqooyi bari dalkaas Nigeria (Nijeriya).
Weerarka la’la beegsaday masaajidka ayaa la sheegay in ay subaxnimadii Axada soo qaadeen kooxo afka soo duubtay oo salaadii subax xili lagu jiray rasaas ooda kaga qaaday dadkii halkaas ku tukanayey. Weerarkan ayaa mar danbe la ogaaday, waxayna dowlada Nigeria ka hadashay maalintii Isniinta ahayd.

Dadka deegaanka ayaa rumeysan in weerarkan ay ka danbeeyaan kooxda mayalka adag ee Boko Xaram, kuwaasi oo la sheegay inay si weyn ugu cambaareeyeen shacabka deegaanka sida ay gacanta u siinayaan ciidamada dowlada Nigeria ee la dagaalamaya kooxda Boko Xaraam.Boko Xaraam oo u dagaalama hirgelinta shariicada ayaa in muddo ah ka soo dagaalamayey Waqooyiga dalka Nigeriya.

Sabtidii la soo dhaafay ayey sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ay ku qaadeen deegaanka Ngom ee degmada Mafa ay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo kale.