Maayarka Baligubadle Oo Ka Digay In La Cabo Biyaha Ay Ku Dhaceen Shimbiro Sumaysani

0
515

Picture3Xarshin (Geeska) –Maamulka degmada Baligubadle ee Gobalka Hawd, ayaa ka digay inay dadweynaha deeganadaasi cabaan biyaha ku jira baraagaha ay ku dhaceen shimbiro loo malaynayo inay sumoobeen oo ku daatay.

Sidoo kalena ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa amar ka soo saaray isticmaalka biyaha ku jira baraagaha deegaanada Xarshin ka mid tahay, ee ay shimburuhu ku daateen.

Shimbarahan oo nooc cusub ah, ayaa la weriyey inay sadheeyeen inta badan Baraagaha deegaanada hoos yimaada Baligubadle iyo degmada Xarshin ee Somaliland iyo  dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasi oo keentay in dadka iyo duunyadaba looga baqo inay khatar caafimaad ku keento isticmaalka biyaha ku jira baraagaha ee ay shimbirahani ku daateen.

Maayarka Magaalada Baligubadle Md. Cabdi Iimaan (Gurey). oo xalay hadal kooban khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Madaxa-banaan ee Geeska Afrika, ayaa yidhi “Waxaanu nidhi biyahaa shimbiruhu ku dhaceen yaanay dadka iyo xooluhu cabbin ayaanu nidhi, si aanay cudur u qaadin”

Maayarku wuxuu sheegay inay ka hor go’aanka ay soo saareen ay qaylo-dhaan u direen xukuumadda dhexe “Qaylo dhaan ayaan u dirnay dawladda dhexe, siiba wasaaraddaha caafimaadka iyo xanaanada xoolaha Somaliland” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Laakiin weli cidna kama hayno, annaga ayaana is xil-qaanay oo nidhi biyahaas yaan la cabbin way wasakhaysan yihiine.”

Sida Baahisay idaacadda Radio Hargeysa jimcihii shalay, dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa soo amar ka soo saartay isticmaalka biyaha baraagaha ku jira intooda shimbiruhu ku daateen si looga digtoonaado khatar caafimaad daro oo shimbarahani keenaan, maadaama oo shimbarahan oo aad u haraadaan intooda badan ay biyaha dhexdooda ku bakhtiyeen, inkasta oo maamulka degmada Xarshin ku guulaystay inay bakhtiga Shimbaraha ka soo guuraan gudaha baraagaha.

Shimbirahan ayaan ilaa hadda rasmi ahaan loo ogeyn halka ay ka yimaadeen.

Maayarka oo la waydiiyeen tirada baraagaha ee ay shimbirahani biyihii ku jiray ku daateen, ayaa sheegay inay aad u badan yihiin.