Hargeysa(Geeska)-Waxa si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa(Hargeysa International Book Fair) kaas oo sanad walba lagu qabto Hargeysa,bandhigan buugaagta oo sanadkii lixaad ee la qabto ay noqonayso waxa lagu soo bandhigaa buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa dunida kale kuwaas oo ku qoran luuqado kala duwan.
Bandhigan sanad walba marka lagu qabto Hargeysa waxa lagaga hadlaa waxyaabo badan oo ku taxaluqa dhinaca qoraalka,suugaanta iyo dhaqanka oo sanad walba lagu soo marti qaado dadka ugu horeeya dhinaca sugaanta iyo hal abuurka,si taasi la mid ahna waxa soo xaadiray sanadkan madashii ay ka dhacday furtaankii xafladani qorayaal Soomaali ah oo ka kala yimid guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto iyo waliba sugaanyahano iyo qorayaal ka la socday qaar ka mid ah wadamada qaarada Afrika siiba wadamada Kenya iyo Nigeria,sidoo kalena waxa ka soo qayb-galay wafti ka socday safaarada Ingiriiska ee Somaliya iyo waliba haldoork suxufiyiinta Soomaalida.
Bandhigan oo socon doona muddo lix Cisho ah waxa lagu lafo guri doonaa isbedalada ku yimid hab nololeedka bulshada Soomaalida iyo sidii wax yaabo wax ku ool u ah bulshada iyo dhaqanka loo iftiimin lahaa,ayadoo sanad walba meel diirada la saaro ayaa sanadkan halku dhig looga dhigay SOCDAAAL.
Ugu dambaytii waxa goobtaasi maanso aad u xiiso iyo murtiba badnayd ka soo jeediyey Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)oo isagu kalmadan si mug leh u qeexay isla markaana qeexay qiimaha gabadha Soomaliyeed ay leedahay marka laga eegayo dhinaca dhaqanka iyo sida laysugu tixgaliyo.
Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid ah abaabulayaasha bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo bandhigan ka waramaayay ayaa yidhi “Inta uu kobcaayay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa umuu korin oo kaliyaata tirada iyo ayaamaha iyo dadka ka soo qaybgalaya uun laakiin waxa is badalay nuxurka iyo xogta aynu halkan ku soo bandhigayno lixda casho.yoolka ugu weyn ee ugu mudan ee bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa waa sidii uu dhalinyarada u siin lahaa fursaday ku kulmaan Qoraaga,Buuga iyo Akhristaha, saddexdaasi si ay iskula kulmi lahaayeen in aynu weel u samayno ayaynu doonaynaa,laakiin arinku buug waa uu ka weynaaday oo qayb kasta oo dhaqankeena ah ayaynu soo bandhignay oo aynu ku kulansiinay halan. Hal abuurada iyo aqoon yahanada dibada inooga yimi wax weyn ayay inoo sidaan oo ay inala qabsanayaan laakiin iyagana wax baynu u celinaynaa.”
Jaamac Muuse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Sanadkan waxa inoo marti ah dalka Kenya dalkasta oo inoo marti ahna waxa ka yimaada qorayaal suugaan yahano iyo aqoon yahano dalkoodaas waxa uu yahay iyo dhaqankooda iyo taariikhdooda ayayna inoo keenaan.sanadkan mawduuca aynu ka hadlaynaa waa erayg Socdaal eraygan waxa laga eegi doonaa dhinacyo faro badan,waxa laga eegi doonaana hido iyo dhaqan micnaha uu samaynaayey,macnaha uu maanta samaynaayo, laba sano ka hor waxaynu ka wada hadalnay Xusuus wadareedka,sanadkii ugu danbeeyayna waxaanu ka hadalnay Hilaadinta Mustaqbalka markaas labadaas waxa u dhaxeeya waa socdaal,halka laga yimi iyo halka loo socdo ayaynu sanadkan saaraynaa xooga,waxaanay noqon doontaa mid laga eego wejiyo faro badan Suugaan lagu eego,qoraal lagu eego.”