Mo Faarax Oo Markii Uu Xalay Ordayay Gacantiisa Ku Xidhay Calanka Dalkiisa Somaliland

0
571

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xidiga caanka ah ee Mo Farax, oo u dhashay wadanka Somaliland balse u orda wadanka Ingiriiska oo uu dhalashadiisa haysto ayaa xalay ku guulaystay biladda orodka 5-ta kun ee Mitir, ka dib tartan adag oo uu xalay kaga qayb galay magaalada Moosko ee wadanka Ruushka.

 

Mo Faarax, ayaa ku orday 13:26:60 taas oo ka dhigtay inuu markale ku guulaysto bilad labaad oo dahab ah. Hore wuxuu Axadii ugu guulaystay orodka kale ee tobanka kun ee Mitir. Mo Farah ayaa noqday ciyaaryahankii 2-aad taariikhda ee si wada jir ugu guulaysa orodada Olombikada iyo ciyaaraha fudud adduunka 10-ka kun iyo 5-ta kun mitir.

Waxyaabaha mucjisada ah ee xalay soo baxay markii uu xidigani guulaystay ee laga arkay sawirada la qaaday  waxa ka mid ah calanka Somaliland oo uu gacantiisa midig ku xidhay iyo calanka Ingiriiska oo uu isna isla gacanta midig ku xidhay, taas oo muujinaysa sida uu u mataaneeyay labada calan ee labada dal ee Somaliland Iyo Ingiriiska oo uu midna u dhashay midna dhalashadiisa haysto.

Dhammaan shacabka Somaliland ayaa xalay meel ay joogaanba ku farxay guusha u soo hoyatay inankooda Mo Faarax, waxaanan leenahay hambalyo.