Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Oo Iska Difaacay Eedaymo Loo Soo Jeediyay

0
440

Picture2Burco(Geeska)-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco Ibraahim Yuusuf Diiriye (Jirde), ayaa dhinac iskaga leexiyay eedaymo kala gadisan oo ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah shaqaalihii Wakaalada Biyaha Burco ee Itixaankii ay Hay’adda Shaqaaluhu qaaday ku Hadhay.

Sidoo kale Maareeyaha oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Burco ayaa Dusha u saaray Shaqaalaha Itixaanka ku dhacay iyo Odayaal uu sheegay inay dabada ka riixayaanba  hankabaad ay sheegeen inayw ax yeelougu gaysanayaan qalaba biyaha.

Maareeyaha wakaalada biyaha Burco Ibraahim Yuusuf Diiriye waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Qodobka kowaad ee shaqaalahaas iyo odayaashaas ka cabanayeen waxa uu ahaa in Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu shaqaalaha shaqada ka fadhiisiyay isla markaana eryay,bilaa xuquuqna ugu daray, marka ugu horeysa waxaynu leenahay Hay’ad Dawli ah oo shaqaalaha Hay’adaha Dawlada ka qaada itixaanka bishii Afraad ee sanadkan ayaa anaga wakaalad ahaan waxa warqadi nooga timi, Wasaaradda macdanta iyo Biyaha iyo waliba Hay’adda shaqaalaha oo ay ku leeyihiin shaqaalaha wakaaladda itixaan ayaa laga qaadayaaye hala diyaariyo ,hawshaasi waanu diyaarinay ,Hay’adii shaqaaluhuna itixaankii way qaaday ,waxaana goob-joog ka ahaa qaadista itixaankaasi si aanu hadal u iman Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maayirka magaaladda iyo Taliyaha Booliska,Imtixaankana waxa waday Guddoomiayaha Hay’adda shaqaalaha,waxa Wasaaradana ka socday laba masuul oo kala ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda macdanta iyo agaasimihii Wakaaladaha,anagu Wakaalad’ahaana shaqada aanu hawshaas ku lahayn waxay ahayd diyaarinta shaqaalaha”

Isaga oo hdalkiisa sii wata waxa uu yidhi maareeyahu “ Markaa waxa nasiib-daro ah iyadoo aynu Dawlad nahay oo ay jirto Hay’ad dawli ah oo Xukuumadda u qaabilsan in ay Imtixaanka,in maalin walba Oday inta uu Saxaafadda isa soo taago yidhaado waxaan u hadlayaa qof imtixaan ku dhacay oo aqoontiisu riday, waa nasiib daro,waxaan leeyahay,anaga waraaqadii ay noo soo dirtay Wasaaradda macdanta iyo Biyuhu ee ay Hay’adda shaqaaluhu usoo gudbisay Imtixaankii ay qaaday qofkii Dhacay iyo qofkii soo baxayba waataa ,aan gacanta ku hayo.Warqada labaad ee ka hadlaysa qaadista imtixaanka iyana waatan oo waxa ku saxeexan Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha isagaana gidaarkaa wakaaladda ku dhajiyay oo waxa ku qoran Qofkii Imtixaanka ku soo baxay iyo kii Dhacayba markaa waxaan leeyahay Imtixaan Maareeye qaadaa iyo mid Badhasaab qaaday toona ma jirto,Dawladana waxa u qaabisan qaadista Imtixaanka Hay’adaasi.”

Sidoo kale Maareeyaha ayaa ka dhawaajiyay khilaaf mudooyinkii u danbeeyay Wakaaladda Hadheeyay“ Waxaan kale oo ku jirtay hadalka shaqaalahan iyo Odayaashan xuquuqdii shaqaalaha ayuu diiday ,waxaan taa kaleeyahay anagu qof shaqaale ah Xuquuqdiisa ma duudsiino cidina nagalama hadlin ,waxaanan halkan ka cadaynayaa mudo Lix bilood ah hadalkaa shaqaaluhu wuu taagnaa ,xuquuqna lagama wada hadlayn,waxa laga wada hadlaayay waxa uu ahaa wax suuq madow ah oo la leeyahay shaqaalaha Imtixaankii ku dhacay shaqada halagu celiyo,taasina cida kaliya ee awooda u lehi waxay tahay in ay shaqaalaha soo celiso Hay’adda shaqaalaha Dawladda,markaa waxaan leeyahay hadalkiisa baxay maaha mid sal iyo raadtoona leh,laakiin mudo Lix bilood ah shaqaala kolba dhinac ayaa loo didinaayay,Shakhsiyaad-baana shaqo ka dhigatay ,Waxaanan aad iyo aad uga xunahay shakhsiyaadka laga rabay in ay wakaaladda horumar iyo waxqabad ku soo kordhiyaan ee ku soo kordhiyay khilaafka iyo hadalka “

Maareeyaha ayaa gabogabadii sheegay Hanjabaad ay bixiyeen Shaqaalahan cabashada muujiyay iyo Odayaashan dabada ka riixaayay wixii ka yimaada ee gaadha Mishiinadda iyo Ceelasha Wakaaladda Biyaha Burco in ay dusha ku qaadan-doonaan cidii hadalkaasi ka soo yeedhay.