Lafo-gur Ku Saabsan Halka Uu Khilaafka Madaxda Somaliya Ku Dambayn Doono

0
451

Picture3Muqdisho (Geeska/BBC) – Mar qudha ayaa waxa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) .

Khilaafka ayaa soo ifbaxay kaddib markii muddo sanad ah ay wada shaqeynayeen khilaaf la’aan labada Masuul. Dadka ka faallooda siyaasdda Soomaaliya qaarkood ayaa u arka in khilaafkan uu soo daahay marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxweynayaashii hore iyo Raisul wasaareyaashii Soomaaliya soo maray dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbeysey.

Soomaaliya waxay yeelatay 10 ra’iisalwasaare tan iyo sanadkii 2000, xilligaas oo la soo doortay Madaxweynihii ugu horreyey ee ku meel gaadhka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cabdiqaasim waxaa uu yeeshay saddex ra’iisalwasaare – Dr. Cali Khaliif Galeydh, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yuusuf

Madaxweynihii ku xigay Cabdullahi Yuusuf Axmed, waxaa uu magacaabay saddex kale muddada uu xukunka hayay – Cali Maxamed Geeddi , Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa isaguna uu magacaabay muddadii uu Madaxweynaha ahaa Saddex Ra’isul wasaare oo uu ugu horeeyey Cumar Cadirashiid Cali Sharmaake, kuna xigey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uguna danbeeyey Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Su’aasha ay dadka qaarkood haatan isweydiinayaan ayaa waxay tahay, Madaxweyne Xasan Sheekh , inta uu Madaxweynaha yahay imisaa ra’iisalwasaare ayuu magacaabi doonaa?

Cadillaahi Cosoble, oo khabiir ku ah sharciga kana soo shaqeeyey xukuumadihii Soomaaliya xorriyaddii kaddib, wasiirna ka ahaa xukuumaddii kacaanka, ayaa waxaa uu qabaa , in ayna dhici Karin madaxda Soomaaliyeed in ay iyagu dhammaantood ay sabab u yihiin khilaafka, hasa yeeshee uu qaladku ka jiro dastuurka, sidaasi darteedna ay tahay in dib loogu noqdo dastuurka haatan lagu dhaqmayo “Dhibaatadu waxaa sal u ah dastuurka Soomaaliya, haddii la doonayo in la xalliyana, waa in la baddelo dastuurka” ayuu yidhi Cabdilaahi Cosoble.

Inkasta oo aaney jirin xog rasmi ah oo asalka khilaafka xuseysaa haddana warar kala duwan ayaa ka soo kala baxaya xaafiisyada labada mas’uul kuwaas oo midba si u sheegayo khilaafka.

Sarkaal sare oo ka tirsan xaafiiska Raiisul wasaare Saacid oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa caddeeyey in la isku hayo arrimo dastuurka ku saabsan oo ah Cidda awoodda u leh magacaabidda xukuumadda.

Wuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray in haatan waan waan xal lagu raadinayo socoto, haddii la isku afgaran waayana lagu kala bixi doono dastuurka oo macnaheedu noqon karo barlamaanka.

“Madaxweynaha, waxaa sugayo howlo baaxad weyn oo ay tahay in la dhameeyo 2016 ka hor, sida dib u eegid in lagu sameeyo Dastuurka, dhismaha maamul gobolleedyada, suggidda ammaanka dalka iyo howlo kale oo badan, sidaas darted markii Madaxweynuhu wadatashi badan amuurahaas oo dhan ka sameeyey wuxuu go’aansaday in uu sameeyo isbaddel ballaadhan oo ay ka mid tahay magaacaabid Raiisul wasaare cusub” Sidaas waxaa yidhi sarkaal sare oo u hadlay xafiiska Madaxweynaha oo diiday in magaciisa la sheego.

Mas’uulkan ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in afgarad ama sulux lagu dhameyn doono arrinta taagan oo ayna gaadhi doonin barlamaanka.

Guddoomiyaha balamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa isaguna markii ugu horreysey ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha soo kala dhexgalay ayaa waxaa uu sheegay in arrintan lagu xallinayo gudaha dalka “Dalku dastuur ayuu leeyahay, xaalkuna sidii hore maaha oo dibadda looga imaan jirey in la xalliyo khilaafka masuuliyiinta” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkee buu ku dambeyn karaa khilaafkani.?, labo arrimood midkood ayaa khubaradu sheegayaan in ay ku dhammaan doonto.

Waa tan koowaad oo ah, in is afgarad lagu dhammeeyo oo sulux lagu gaadho sidii loo fududeyn lahaa iscasilaadda ra’iisalwasaare Saacid, inkasta oo aanay hore u dhicin inay wada shaqeeyaan MNadaxweyne iyo ra’iisalwasaare Soomaaliyeed oo siyaasad isku afgaran waayey

Ta labaadna waxay tahay; sida ay muujinayaan hadallada ka soo baxayo xafiisyada labada ma’suul, waa in dastuurka lagu kala baxo oo macnaheedu yahay in barlamaanka la hor geeyo arrinta la isku hayo.

Is-qabqabsigii Madaxweynayaalka iyo ra’iisalwasaareyaashii dhowr iyo tobankii sano marka la jalleecdo, waxaa laga dheehanayaa in markasta is afgarad lagu dhammeyn jirey is casilaadda ra’iisalwasaaraha, marka laga reebo, Dr. Cali Khaliif Galleydh oo baarlamaanka lagu kala baxay.

 

Xigasho: BBC Somali