Maanta Maxaa Shalay Uga Eeg?

8
1115

by: Axmed –deeq

 

Socdaal laba todobaad qaatay baan gaadhi ku kala bixiyay qaybaha Soomaaliya.  Waxaan jaray masaafo dhan saddex kun oo mayl. Waxaanan ka gudbay dhulal saxare ah, kaymo cufan iyo deegaanno xoola-ley iyo beera-ley labadaba leh. Muddadaa waxaan ku badh-xamay dadwaynaha. Waan la sheekaystay, waan la tukaday; waanan la hadlay anniga oo u sharaxaya xaalladda uu wadankoodu ku sugan yahay iyo doorka looga fadhiyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen xornimadooda.
Dadkan aan soo arkay waxay ku sugaanaayeen xaalad baahiyeed (faqri) oo daran. In badan oo ka midi waxay u noolaayeen sidii maalintii Aadan dhulka lagu soo tuuray. Tobanaan kunna xoolaha ayay kaymaha ku daba socdeen iyaga oo badh qaawan. Waxaana oon iyo oomato u ahaa caanaha xoolaha iyo ugaadhsiga duur-joogta. Inkasta oo ay haystaan dhul beerashada ku habboon, haddana dadka badankoodu waa iska dhaafeen tabcashada, maxaa yeelay ma garanayaan hababka wax loo beerto"

Yaab, akhriste hadalkan wel welkaiyo walaaca badani ku sayn-saaban yahay yaa yidhi? Goormaase la yidhi? Ka hor war celinta waydiintaa. Maalmahan u danbeeyay bixitaankaygu ma badnayn. Guriga ayaan isaga khalaawaynayay. Tani waxay keentay inaan waqti u helo daawashada TV ga iyo galitaanka netka oo aanan aad ugu badnaan jirin. Bal maxaa igu watay? Mid waliba naxdimo dihin ayuu ka soo tebinayaa degaladeenii iyo dadkeenii. Gurboodkeenii, gaashaan-qaadkeenii iyo guud cadaageenii baa raqdoodii iyo ruuxdoodii daleedada wadhan tahay. Hablaheenii, hanadadeenii iyo hooyooyinkeen baa dawyada tarab tarab ugu le'anaya. Ceebteenii, cawradeenii, caqli xumaanteenii iyo caydhnimadeenii baa caalamku wada fiirsanayaa

 

Ummaddaadii oo xaaladdaa ba'an kujirta oo aanad
waxba u qaban karini xumaa. Dadkaagii oo sidaa u balan-balsan oo haddana is laynayaa murugo badanaa. Madaxdaadii
oo aanad foolkooda ka dareemayn jixin jix maroora dilaac waynaa. Wadaadadaadii oo si bani'aadantinimada ka baxsan ugu mashquulsan dhisida Masjid iyo Madarasad ay ku ganacsadaan hadhaw jidhiidhico badanaa. Labadii qof ee ajanabi ah ee kaa soo hor baxa oo ka sheekaynaya abaaraha inagu hubsaday yax yax badanaa. Soomaalidii kula dhalatay oo aan wadhidaaba qaarkood haysan nasiib xumo a

danaa.
Intaa iyo in ka badan markii aan la kulmay ayaan xamili waayay, oo aan go'aansaday inaan buugaagtaydii isaga noqdo. Maktabad uu kombuyuutarka iigu shubay Eng. C.fataax Cumar Gurey dhawaan ayaan iska dhex galay. Waxaan baadh baadhaba waxaan la kulmay
buugga la yidhaa "Mu'aamaratun fii ifriiqiya" ee uu qoray Axmed Bihaa'a Diin. Kana qoray shirqoolkii lagu dilay Kamaal-diin Salaax oo ahaa ergay Qaramada Midoobay u dirataykoonfurta Soomaaliya xiligii wasaayadda Talyaaniga ay ku hoos jirtay. Haddaba hadalkii aan ku bilownay qormadeenu wuxuu ka mid ahaa xusuus qorkii Kamaala-diin Salaax. Waxaanu yidhi lixdan sanno ka hor. Yaab badanaa!! Shalay maxaa maanta uga eg? Xanuunkii aan ka qaadey Tvga xanaftan uu buuggu igu soo kordhiyay miyaayna  ka badnayn? Xusuustii Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye(Qaasim) AHN miyaanay maankayga sidaa u dhex xulayn? Oo maxay u dhex xuli wayday miyaanu ahayn abwaankii tiriyay maansadan aad moodo in maanta la tiriyay, konton sano ka hor

Daab gudina weli sooma jarin wiilashaan diraye,

Halka dunida lagu geeddi yahay,

 dayiba maayaanee,

Ma daadihin Rashiid maatadaan,

 daad guree idhiye,

Umaddii daryeel wali helin,

 daacadda ahaydee,

Sidii bay u dooyaysan tahay

damashii weynayde,

Sidii bay duleedada dhar li'i ugu

 dab jeexaanne,

Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaaye,

Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha,e,
sidii baa docuhu aqaladu uga daloolaannee,
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye,
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaaye,
Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,

Sidii bay daba-gaabsi u tahay

 haradii doolloode,

Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri

 joogtaaye,

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabaye,
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye,

Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye,

Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal'e

Meeshaan dad aan ururshiyo dirir

 ka eegaayay,

Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacaro miyaan leefay,

Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,

Sidii aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay..

Ka sii yaab badanaa tixdan Qaasim hadalkii Kamaal-diin Salaax. Mar labaad maanta maxaa shalay uga eg. Hoogga iyo habaarku hadmuu inagu dhacay? Lixdan sano ka hor halkaan joognay inaan ka sii hoos marnaa ma dadnimaa mise waa doqoniimo? Ubadkeennii iyo ooryaheenii inay macaluul u bakhtiyaan ma ragganimaa mise waa liitinimo?

Ugu danbayn cabashada iyo caloolyowga ina daashaday ma iska dhaafnaa, oo fadhiga ma ka hinqanaa? Eedaynta iyo is bari yeelka ma ka gudubnaa, oo wax ma wada qabsanaa?
Ma isa saamaxnaa oo sacabada ma isa saarnaa? Si aanay mar danbe tan oo kale inoogu dhicin?.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: Awliyo177@live.com

Comments are closed.