Guddoomiye-xigeenka SONSAF Oo Ka Hadlay Shir Uu Kaga Qayb Galay Dalka UK

0
921

 

odhaHargeysa (Geeska) Gudoomiye ku xigeenka ururka aan dawliga ahayn ee SONSAF Md. Xasan Axmed Xuseen  (Xasan Bulbul), oo ka soo laabtay dalka UK ayaa ka war bixiyey kulamo uu la qaatay beesha caalamka iyo baarlamanka Ingiriiska, aqalka odayaasha ee dalka UK, isaga oo sheegay inay ka wada hadleen qadiyada Somaliland iyo horumarinta bulshada jSomaliland iyo la gor gortanka beesha caalamka.

Xasan Bulbul oo ugu horayn ka waramayaa safarkii uu ku tagay dalka Ingiriiska iyo waxa uu daarnaa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaanu dhawaan ka qayb galnay shir lagaga hadlaayey gooni isu-taaga Somaliland oo ka dhacay Chatham house (aqalka lagu gorfeeyo siyaasadaha dunida). Shirkaas waxaa ka qayb galay oo lagu casuumay Somaliland, wasiirka arrimaha dibada Dr Maxamed iyo aniga oo ah Xasan Bulbul oo ka socday ururka SONSAF. SONSAF waxay matalaysay bulshada rayidka ah ama ururada aan dawliga ahayn (None state actors). Shirkaas dhab ahaan qadiyada ugu wayn ee lagaga hadlay waxay ahayd gooni isu-taaga Somaliland iyo Somaliland oo aan wali la ictiraafini siday beesha caalamka ula xaali lahayd iyo sidii ay beesha caalamku ula dhaqami lahayd Somaliland. Runtii waxay ahayd wakhti aad ugu haboon, sababtoo ah inaga Somaliland ahaan indhaha caalamku way inoo soo jeedaan, waxaynu qabsanayna waa wax inta aynu miiska gayno aynu ku gor gortami karno, hadii ay nabada tahay, hadii ay dimuquraadiyada tahay, hadii ay tahay shicibkeenu sida uu u ilaalinaayo nabad-galyada”

Dhinacyada shirkaas ka soo qayb waxaa ka mid ahaa ururka midawga Afrika, safaarada dalka Ingiriiska u fadhida Itoobiya, waxaanu mar kale yidhi Xasan Xasan Bulbul oo hadalkiisa sii wataa “Waxa ka soo qayb galay shirkaas AU (Ururka midawga Afrika), safaarada itoobiya ee London, waxa kale oo ka soo qayb galay ilaa afar aqoon-yahan, waxaa kale oo ka  soo qayb galay baarlamanka ingiriiska iyo aqalka odayaasha iyo qurba jooga reer Somaliland ee degan Yurub iyo labada urur ee SSE iyo SSUK, labadaas mida waa dalad wayn oo ka dhisan Yurub oodhan, mida waa mid ka dhisan UK oo kaliya. Shirkaasi wuxuu bilaabmay sideedii subuxanimo wuxuuna dhamaaday lixdii galabnimo, waad garan kartaa wakhtigaas shirku socday in la is jafay. Shirkaasi markuu dhamaaday ururadii Somaliland ee qurbaha joogay ayaa SONSAF ahaan naga codsaday in aanu mar labaad kulano, markaa waxaanu kulanay habeen Ramadan ah oo si fiican ayey noo soo dhaweeyeen.”

Sidoo kale Xasan Bulbul waxa uu sheegay inuu kulamo la qaatay baarlamaanka Ingiriiska iyo aqalka odayaasha ee dalkaas, waxaanu kala hadlay sida uu sheegay qadiyada Somaliland, wuxuuna yidhi “Waxa kale oo aan la kulmay aqalka odayaasha oo aan kala hadlay qadiyada Somaliland, waxa kale oo aan la kulmay xafiiska arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska oo aanu ka wada hadalnay ururkan SONSAF waxa uu yahay iyo urur intaas leeg oo dalka oodhan gaadhsiisan sidii ay uga faa’idaysan lahaayeen iyaga laftigoodu hadii ay u baahdaan gobolada qaar, waxa aanu la kulnay qolada deeq bixinta u qaabilsan Ingiriiska, waxaanay noo sheegeen in afarta sanadood ee soo socda ay ugu tala galeen dalka Somaliland boqol iyo kontan milyan oo lacagta UK ah.  Taasi waxay ka jawaabaysaa tii ay hore u balan qaadeen ee ahayd boqolkiiba lixdan caawimada aanu siino dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya waxaanu siinaynaa Somaliland oo aanu ka aragnay inay nabadi ka jirto, oo aanu ka aragnay inuu horumar ka jiro. Runtii waxaan odhan karaa wuxuu ahaa safar waxtar wayn u leh dalka iyo dadkaba, laguna soo guulaystay. Wasiirka laftiisu aragtidiisii Chatham House ka jeediyey ee ahayd marna dib Somaliland uga noqon mayso gooni isu-taageeda, laakiin wixii beesha caalamku anaga noola timaado ee ah horumar waxaanu u nahay diyaar. Waxaanu isla soo qaadnay sidii aanu qadiyadan Somaliland u horgayn lahayn ururka midawga Afrika (AU) wali inta miiska la dhigay lagama doodin arrintaas.”

Xasan, wuxuu sheegay inay jiraan arrimo badan oo ay dalada SONSAF bulshada caalamka kala doodi karto, kuwaas oo aan mararka qaarkood ku haboonayn afka xukuumada.