Somaliland: Dal Dimuqradiyada Ku Gaadhay Kharash Yar Iyo Caawimo La’aan

0
4765

 

Land

Warbixin Uu Qoray Wargeyska The Guardian

London(Geeska)- Jariida Afka dheer ee Lagu magacaabo The Guardian kana soo baxda dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa ay shalay ku daabacday qoraal  dheer oo ay kaga waramaysay Jamhuuriyada Somaliland kaas oo uu  Ciwaan uga Dhigtay  Somaliland waxay Dumuqraadiyada Ku Gaadhay Qarashyar iyo Caawima La,aan.

Jariidani waxay sheegtay in  Macaluusha ka jirta Koonfurta  Somaliya ay wax yeeshay malaayiin qof oo Somalia. Iyadoo Somaliland ka hadlaysa waxay tidhi

“Dalka yar ee  aan dhaqaalaha lahayn ee ay isagaba hayso  dhibaatada abaaraha waxay cawinayaan shacabka Somaliya ,Somaliland waxay halkaas ku gaadhay iyadoon haysan wax citiraafa kana kelin aduunyada intee kale wax garowshaa iyo caawimahaa saacidaada toona waana wax cajiiba. Lakiin Somaliland waxay ciyaartay firfircooni iyadoo samaysay dhaqale iyo daganaansho  iyadoon dhaqaale ka helin dibada waayo?  Somaliland kama heli karto Baanka Aduunka iyo IMF iyo deeq bixiyayaasha wax adduuna. Somaliland waxay wada hadal lagashay qoto dheer muwaadiniinta iyo gudoomiyayaasha ganacsiga inay taageeraan  caawiyaana dalkooda wada hadalkaasi waxa uu noqday mid midha dhala laguna sameeyo Dastuur iyo siyaasad lagu hago dalka Somaliland. Somaliland waxay xornimadeeda lasoo noqotay 1991 kadib dagal sokeeye oo ka dhacay dalka Somaliya bixitaankii Siyaad Barre, waxaanay  cagaha u taagtay dal iyo dastuur iyo xukuumad waxaana caawiyey ganacsatada,Somaliland waxa ay samaysay cashuur ururin iyo dhaqaalaha ka soo gala dakada kaliya ee ay ledahay lacagta cashuurtu waxa ay gaadhaysaa $30m sanadkii halkanay ka hesho in a badan $100m kuwa wax caawiya, Haddii Somaliland dhibaatadaa ku jirto xaq ma u ledahay inay hesho caawimo. Hadda Somaliland waxa ku soo fooleh cunta yaraan waxayna hayada cuntada aduunku  dartay Somaliland wadamada ay cunta yarantu ka jirto,Somaliland waxay khibrad iyo aqoon dheer  u ledahay maamul wadaaga iyo sida loo maamulo  dhibaatada dabeecigaa waxayna Somaliland u eegtahay wadamada casriga ah waxayna dhaqalaha u samaysaa si macquula.

Saleban siciid kabadhe