Maanta Ayaa Ay Dunidu Ugu Dhowdahay In Dagaal Nukliyeer Ka Qarxo, Haddaba Haddii Uu Dhaco Halkee Ugu Habboon In Aad Kaga Gabbato (2)

0
670

Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay ee ay shabakadda Al-Carabiya ku eegaysaa goobo la sheegay in ay noqon karaa gabbood nafta lagu badbaadiyo haddii dagaal Nukliyeer ahi dunida ka qarxo.

New Zealand iyo Badweynta deggen

Meelaha kale ee la filayo in ay aamin ka noqon doonaan suntan ka dhalanaysa, haddii dagaal hubka Nukliyeerka la isu adeegsaday uu dhex maro Ruushka iyo Maraykanka ama Woqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka waxaa ka mid ah jasiirad ku taalla Koonfurta dalka New Zealand, iyo jasiirad kale oo lagu magacaabo Ester oo ku taalla Koonfurta badweynta Deggen (Pacific), jasiiraddani waxa ay 20 kun oo May ka fogtahay koonfurta Maraykanka. Waxaa iyagana la sheegayaa in ay ka mid yihiin jasiiradaha Marshal Islands iyo Kiribati.

Jasiiradahan oo ku yaalla dhul aad uga go’an dunida inteeda kale, qorrax fiicanna hela, ayaa ay khubaradu sheegayaan in ay aad uga fog yihiin dhulka la isku haysto sidaa awgeedna rajo fiican laga qabo in ay ka badbaadaan suntan iyo burburka ka dhasha Nukliyeerka, haddii ay dhinacyadu isu adeegsadaan.

Waxaa wax laga xumaado ah in dabayaaqadii toddobaatanaadkii uu faafiyey xafiiska Tiknoolajiyadda ee dalka Maraykanku, warbixin uu u gudbiyey golaha Kongareeska Maraykanka oo cinwaankiisu ahaa, ‘Raadadka Dagaalka’ kaas oo iftiiminayey in haddii weerar la isu adeegsado Nukliyeer oo buuxaa uu dhaco, ay cilmibaadhisuhu muujinayaan in boqolkiiba 100 dadka deggen qaaradda Ameerika ay gumaadmi doonaan.

Rajo:

Dhimashada hoggaamiyihii Cuba Fidel Castro, oo ahaa nin magaciisa mar kasta lagu xasuusan jiray suurtogalnimada isticmaalka hubka Nukliyeerka ah, maadaama oo taariikhdiisa ay ku ladhnayd dhacdadii la magac baxday ‘Gantaalaha Cuba’ oo ay Midowgii Soofiyati iyo Maraykanku ku sigteen in uu dagaal dhex maro. Iyo sida oo kale marka la eego guusha axdigii caalamiga ahaa ee lagu mamnuucay samaynta iyo tijaabada Nukliyeerka oo muddo 20 sano ah oo xigay aan mar keliay la jebin, waxa ay arrimahaasi inagu abuurayaan rajo ah in aanay xaaladaha colaadaha adduunku gaadhin heer la isu adeegsado hubkan khatarta ah. Dhammaad.