Badhasaabkii Gobalka Togdheer Mr. Xamarji Oo Si Kedis Ah Shalay Xilkii Iskaga Casilay Iyo Madaxweynaha Oo Ay Ku Adkaatay Inuu Ka Aqbalo

0
655

Hargeysa(Geeska)-Badhasaabkii gobalka Togdheer Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) ayaa iska casilay xilkaas, waxaanu shalay barqadii Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay warqadii istiqaaladda, ka hor intii aanu Madaxweynuhu safarka ugu bixin dalka Itoobiya.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Mr. Xamarji uu is casilay, waxase la sheegay inay Madaxweyne Axmed Siilaanyo is casilaadda masuulkani ay ku noqotay kedis islamarkaana ay ku adkaatay inuu ka aqbalo, waxaana la sheegayaa in Madaxweynuhu dibadda u safray isagoon wax jawaab ah siinin badhasaabka is casilay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay is casilaada guddoomiyaha Gobalka Togdheer, waxase jira warar sheegaya inuu ka cadhooday xadhiga guddoomiye xigeenkii hore ee gobalka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar oo ku xidhan Hargeysa, ka dib markii laga soo qabtay magaalada Burco. Wararku waxay intaas ku darayaan inay sidoo kale Mr. Xamarji  isku dhaceen wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan safar ku tagay magaalada Burco. Waxaanay sidoo kale is casilaadda guddoomiyuhu ku soo beegmaysaa iyadoo ay gobalka Togdheer ka jiraan qulqulatooyin siyaasadeed oo sababay dibad-baxyo khasaare gaystay.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in iscasilaadda Mr. Xamarji ay waran ku noqon doonto xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo marka horeba la daalaa dhacaysa duufaano siyaasadeed oo kaga imanaya xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin kale oo madaxbanaan.