Maamulka MCH-ka Wajaale Oo Eeddo U Jeediyay Guddoomiyaha Degmada Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

0
750

 

Gabiley(Geeska)-Maamulaha Mchka Tog-Wajaale,Maxamed Miigane Suldaan,oo ay wehelinayaan howlwadeenad,ka howlgala Mchka Tog-Wajaale ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale kadib markii sida ay sheegeen Gudoomiyihu uu ka horjoogsadey dhismaha deyr kooban oo ay ku sameynayeen Mchka Degmadaasi Tog-Wajaale, iyo boodhadhka Wacyigalinta Caafimaadka ah oo ay ku taagayeen Xarunta horteeda.

Maxamed Miigane Suldaan Maamulaha Mchka Tog-Wajaale oo Wargeyska Geeska Afrika uga waramey arintan isagoo ku sugan Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ayaa sheegay, in Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi, uu ka hor istaagey dhismaha sida ay sheegeen deyr kooban oo ay ku xeyndaabayeen MCHKa Tog-Wajaale oo dhul badan laga qaatey islamarkaana kuyaala goob cidhiidhi ah oo aanu Munaasib ku aheyn Wakhti Xaadirkan. Maamulaha Mchka oo arintaa kahadlaya waxa uu yidhi. “Waxaanu si dirqi ah deyr sadex mitir noqonaya uga helnay Mchka Tog-Wajaale nawaaxigiisa iyadoo, dhulkii Mchku lahaa oo dhan ay Bixiyeen Maamuladii soo marey D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale. Haseyeeshee, deyrkaa aanu damacsaneyn in aanu dhisno waxa naga horjoogsadey oo si badheedh ah u diiday Gudoomiyaha , waxaananu halis u nahey in ay baabuurtu Waaweyn ee Xamuulka ahi dul maraan Xarunta Mchka oo ah ta kaliya ee goob Caafimaad ka furan Tog-Wajaale, waxaana ugu dambeysay Saaka oo aanu boodh ku taageynay ayuu amar kusoo rogay in aanan ka taagi Karin, iskumana aaminayno in ay Goobtani bilaa deyr noqoto, Waxaanu Gudoomiyihu wax ka maqley oo kaliya dad shacbi ah oo ah kuwii boobay dhulka Mchkani lahaa marka horeba balse, anaga oo ah Howlwadeenadii Caafimaadka namuu tix galin hadalna nagamuudhageysan”Ayuu yidhi Maxamed Miigane Suldaan Maamulha Xarunta Mchka Degmada Tog-Wajaale.

Gudoomiyaha Degmada Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo dhinac iskaga leexiyay eedeynta ay ujeediyeen Maamulka Caafimaadka Mchka Tog-Wajaale oo u waramay Geeska Afrika ayaa isagu gaashaanka ku dhuftey eedeyntaasi islamarkaana, sheegay in aanay habayraatee jirin wax deyr  ahy oo uu u diiday haseyeeshee, uu ka joojiyay Boodh uu ku qoran yahey Wacyi-galinta Hiv/Aids oo ay ku taagayeen Mchka hortiisa oo dariiqu gaadhayo isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale . “Horta ma jiro deyr aan ka joojiyay, ee waxan ka joojiyay waa Boodh ay ku taagayeen Mchka hortiisa , oo hadaad aragtaan halkay qodayeen waad qosli waana wadada badhtankeeda, aniguna gidaarka raaciyaan ku idhi hadey ka hadlayaan Mch waxa jirey dhul weyn oo Mchku lahaa oo la bixiyay hortey oo ay iyaguna wey joogeen ayaa jirey miyay ka hadlaan kaasi Maamulkii aniga iga horeeyay ayaa bixiyay dhulkaas iyaguna goob joog ayay ka ahaayeen deyr majirin ee waxan ay ka hadlayaan waa boodhkaas oo wadada loo dhaweeyay aniguna gidaarka raaciyaan idhi wax
deyr ahi majiraan habayaraatee”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi.