Hargeysa: Murashax Maxamed Sheekh Cali Oo Taageeradiisa Soo Bandhigay

0
614

 

murashaxHargeysa(Geeska)-Musharax Maxamed Cali Sh. Cumar ayaa jimcihii ku soo bandhigay musharaxnimadiisa fagaaraha Garoonka 31-ka  May (Dhalinta) ee magaalada Hargeysa, taasi oo ay ka soo qayb galeen badii taageerayaasha looga baahan yahay musharaxu in uu bulshada ka kasbado.

 

Xafladan bandhiga ee ka qabsoontay garoonka 31-ka May ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ahayd mid uu musharaxu kaga dhawaaqayey musharaxnimadiisa, taasi oo ay ka soo qayb galeen badi qaybaha kala duwan ee bulshadu.

Xafladan lagu soo bandhigay musharaxnimada Maxamed Cali Sh. Cumar oo ka sharaxan urur siyaasadeedka Rays ayaa kaga duwanaa bandhigii musharixiintii hore isaga oo ku soo bandhigay fagaare aad u balaadhan oo ay iskugu yimaadeen badi taageerayaasha kala duwan ee musharaxu.

Musharax Maxamed Cali ayaa ahaa musharixii u dambeeyey ee ka sharaxan ururka Rays, isla markaana soo bandhiga musharaxnimadiisa.

Madasha uu musharaxu ku soo bandhigayey musharxnimadiisa ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Dhalinyarada degmada Ibraahim Koodbuur C/raxiim Axmed Ibraahim, waxaanu sheegay in ay dhalinyar ahaan yahay xildhibaanka ay wataan uu yahay musharaxan, isla markaana u heelan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen. “Xildhibaan Cali Sh. Cumar waa xildhibaanka aanu wadano, isla markaana u diyaar nahay in aanu soo saarno si uu ugu guulaysto tartanka doorashada golayaasha deegaanka”.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xasan Gaafaadhi oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in uu si weyn ugu rajo weyn yahay in musharaxan ku soo baxo doorashada golaha deegaanka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Haddii 25 musharax ee urur siyaasadeedka Rays ka sharaxan aan is odhan lahaa cid baa ka soo baxaysa waxa aan ku rajo weynaha in musharaxani si balaadhan ugu soo bixi doono doorashada goleyaasha deegaanka haddii ALLE ka dhigo”.

Si kastaba ha ahaatee musharaxan ayaa noqonaya musharixii  ugu horeeyey ee musharaxnimadiisa ku soo bandhiga goob fagaare ah.