Maamulka Madaarka Cigaal Iyo Taliska Socdaalka Oo Soo Bandhigay Baasaboro Foojari Ah Ooy Qabteen

0
606

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maamulaha Madaarka Cigaal iyo Taliyaha Laanta Socdaalka ee Madaarkaasi ayaa shirjaraa’id oo ay shalay wada jir u qabteen waxay kusoo bandhigeen 320 baasaaboor oo Foojari ah, oo dad ay doonayeen inay sifo sharci darro ah uga dhoofaan madaarka.

Shirkaas  jaraa’id ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Taliyaha Laanta socdaalka ee Madaarka Gaashaanle Cabdi Saleebaan Aadan waxaanu yidhi “Waxaanu maanta isugu kiin yeedhnay warbixin kooban in aanu ka bixino  qaabka iyo nidaamka Laan socdaal ahaan (Emigration) aanu uga shaqayno madaarku mudadii laga soo guuray Madaarka Berbera, iyo ilaa hada dadka sifaha sharci darada ah isugu dayayey inay ugu dhoofayey madaarkeena ee aynu ku qabanay, tiradooda iyo baasaaboorada ay siteen wadamada ay kala yihiin, meelaha ay u socdeen, iyo qaababka ay adeegsanayeen ee ay nagu marayeen, markii Berbera laga soo wareegay Wasaaradda Duulista Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Laanta socdaalka waxay go’aansadeen in  la xakameeyo dadkan sida sharcidarada ah uga doonaya inay madaarada iyo xuduudahaba  ka baxaan, Xukuumaduna waxay go’aansatay arintaas in ka xakameeyo,”

Taliyaha Xafiiska Laanta Socdaalka ee Madaarka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Markaa laansocdaal ahaan waxaanu maanta soo bandhigaynaa oo maamuluhuna nagu weheliyo, Madaarkan Caalamiga ah ee Cigaal mudadii uu shaqaynayey baasaboorada  la qabatay  ee sida sharcidardada ah uga baxyey,waxay dhan yihiin 320 (sadex boqol iyo labaatan)  basaaboor, oo noqonaysa hal sano gudaheed, August  2013-KII  ayaa la furay madaarka ilaa January 2015-ka oo maanta ah,  320 baasaaaboor, waxa ay noqonayaan wadamadoodu oo ay isugu jiraan wadamo badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Iswiidhan, Dheenmarak, Norwey, Holland, Biljam, Talyaaniga,wadamada yurub oo dhan iyo Kanada dhamaantood way ku jiraan, wadan aan baasaboorkiisu halkan kujirin ma jiro sida aad arkasaan. “ ayuu yidhi Gaashaanle Cabdi Saleebaan waxaanu intaas ku daray “ dadkaasi waxa ay kala yihiin dad basaboor foojari ah oo aan sharci ahayn watay  iyo dad isu Ekanshiiyo ah oo sita basaboor qof ay isu eg yihin, oo aan lahayn basaboorka uu sito, labadaa qaybood ayey u qaybsamaan.”

Gaashaanle Saleebaan ayaa sidoo kalena ka hadlay dadka lagu qabtay Fiisayaal sharci darro ah waxaanu yidhi “ waxa kaloo jira dad fiisayaal sharci darro ah oo aanay wadamadii lahaa soo saarin oo meelo kale laga soo saaray sita,  sida Angola, Musanbiig , Koonfur Afrika, Sudan, Masar, Yaman wadmadaas oo dhan waxaa ka soo baxa fiisayaal sharci darro ah, oo wadankii lahaa si sharci ah aanay u soo saarin, Thailand waa ka mid oo dad mukhalisiin ah ayaa soo saara dadna waa lagu tahriibinayaa iyagana ilaa hada dadkaanu celinay waa ilaa 140 qof oo aanu basaboorada dib ugu celinay oo aanu ka joojinay in ay madaarka ka dhoofaan, way jiraan dabcan basabooro sharci ah iyo fiisayaal sharci ah sita oo lama celiyo iyaga, oo markaanu baadhnay aanu ogaanay in ay sharci yihiin, laakiin inta badan fiisayaasha sida qaloocan meelaha looga soo saaro iyo baasabooradan sharci darrada ah ee la sitaa madaarkan waa laga mabnuucay taasina waa Siyaasadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku maamulayso Madaaradeeda iyo xuduudaheeda, hadaba dadkeena waxaanu u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan arrimahaas oo aanay ku kharash garoobin sharci darro ah, waayo waanu qabanayaa”

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Yuusuf  Ismaacil oo isaguna shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “ si aanu u ilaalino sharciga, iyo sumcada madaarka Cigaal, waxa aanu diyaar u nahay inaanu samayno tab kasta oo aanu kula dagaalamayno dadka doonaya inay sifaha sharci darrada ah, ugu dhoofaan madaarkan, anaga oo kaashanayna hay’adaha ku shaqada leh, arrintaas si aanu wax ugu qabano waxaanu u tabarnay shaqaale u carbisan sidii ay u baadhi lahaayeen cid kasta oo sidata dukumanti sharci darro ah,  markaas waxaanu ka Wasaaradda Duulis ahaan iyo ka Xukuumad ahaanba aanu balan qaadaynaya in aanu talaabo adag ka qaadayno qof kasta oo ay ku soo baxdo arrimahaas uu Taliyaha Socdaal ka hadlay, qofkaasna la hor geyn doono maxkamada.”

Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sidoo kalena sheegay in dadka doonaya inay madaarka sifaha sharci darada ah kaga dhoofaan inay la yimdaan qaabab kala duwan taasna ay ku baraarug san yihiin waxaanu yidhi “ waxaanu ogsaanahay in xeelado iyo tabo kala duwan ay la yimaadaan dadkaas oo doonaya inay madaarka sida sharci darrada ah uga dhoofaan, waxaanu ku kalsaanahay in aanu leenahay awood aanu ku xaqiijin karno sharciga ay sitaan saxnimadiisa, waxa kale oo aanu ku kalsoonahay inaanu haysano shaqaale u tababaran arrimahaas iyo sida loola tacaaalo, mar labaad dadka waxaan ugu digaynaa inay ku soo tallo galaan inay madaarkan ka dhoofaan iyaga oo sharcigoodu uu khaldan yahay.” Ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.