Maayarka Caasimadda Oo Dhagax Dhigay Waddo Isku Xidhi Doonta Axmed Dhagax Iyo Maxamuud HaybeHargeysa(Geeska)-Maayarka Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa Shalay dhagax dhigay waddo cusub oo isku xidhi doonta Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo Maxamuud Haybe. Waddadadan oo ka bilaabmi doonta dhinaca koonfureed ee Beerta Xoriyada Hargeysa ayaa ka gudbi doonta dooxa weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo la dhigi doono Biriish ayaa qayb ka qaadan doonta sidii ay iskugu xidhi lahaayeen Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe. Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay dhagax dhiga waddadan ayaa waxa uu sheegay inay waddadan ugu tala galeen sidii ay Waddooyinka dhexe ee Magaalada Hargeysa uga yarayn lahayd saxmada badan waxaanu yidhi “Waxa aanu Maanta (Shalay), dhagax dhigayaa waddo taas oo ka timaada maxkamada soona marta beerta xoriyada, kana talawda Cawaale Jidhoon iyo Laynka Milatariga ka dibna marta dugsiga mujaahid Quule Aadan Dool, kana talawda Degmada Axmed Dhagax oo dhan ka dibna sii maraysa degmada Maxamuud Haybe ilaa Maxamed Mooge, runtiina Magaalada waxa ku yaraa waddooyinka u kala baxa Barri iyo Galbeed, si saxmada looga yareeyo waddooyinka dhexe ee Magaalada ayaa wadooyinkan loo samaynayaa, siyaasada uu hogaamiyaha ka yahay madaxweynaha somaliland ee dhinaca waddooyinka ayaa miisaaniyada sanadkan ee dawlada hoose ku salaysan tahay in wadooyinka la horu mariyo, taas oo noqonaysa inay dawlada hoose waddooyin cusub dhisto qalabkiina soo iibsato, taas oo keenaysa in waddooyin badan laga dhiso caasimada Hargeysa.” Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) waxa uu Shacabka Degmada Axmed Dhagax ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay waddadaasi u socon lahayd waxaanu yidhi “Waxaan Leeyahay shacabka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee waddadani ka bilaabmayso sida ay wadadani u dhan tahay wax lacag ah oo laydinka waydiinayaa ma jirto, qaadhaana ku darsada laydinma laha laakiin waa inaad ka qayb qaadataan halkii ay mari lahayd guryaha ka dhisana sidii loo dumin lahaa guddiduna ay is garab istaagto dawlada hoose , qof aqal wado ka dhistayna cidna looga garaabi maayo meeshii uu doono ha ka soo jeedo mansabkii uu doono ha hayo, qofka wado aqal ka dhistay aqalkaas waa la duminayaa, waddadaasina ilaa marka ay marayso degmada Maxamuud Haybe aqal kasta oo ka hor yimaada waa la duminayaa dadkana waxaan leeyahay ha garab istaagaan dawlada hoose.” Sidoo kale maayarka caasimada Hargeysa waxa uu ka hadlay horu marka dhinaca waddooyinka ee ay ka hir galiyeen degmada Axmed Dhagax waxaanu yidhi “Wadooyinkii kale ee ay ka qayb galayeena sidii ay sanadadii hore uga qayb galeen imikana hawga qayb galaan, sanadkii 2013 xaafadaha waxa ugu horaysay oo xaga wadooyinka ugu wax qabad badnayd degmada Axmed Dhagax, 3.5km masalaha ah ayaa laga hir geliyey, sanadba dhinac ayaa culayska la saaraa, sanadkana waxa weeyaan Maxamuud Haybe-Axmed Dhagax iyo Gacan Libaax oo la dhamaystiri doono wadadii hore ee martay June iyo Gacan Libaax iyo waddadan aynu maanta dhagax dhigayn oo ah mashruuca ugu balaadhan ee dawlada hoose fulinayso sanadkan.”

0
614

Picture2Hargeysa(Geeska)-Maayarka Magaaladda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa Shalay dhagax dhigay waddo cusub oo isku xidhi doonta Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo Maxamuud Haybe.  Waddadadan oo ka bilaabmi doonta dhinaca koonfureed ee Beerta Xoriyada  Hargeysa ayaa ka gudbi doonta dooxa weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo la dhigi doono Biriish ayaa qayb ka qaadan doonta sidii ay iskugu xidhi lahaayeen Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe. Maayarka Caasimada Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay dhagax dhiga  waddadan ayaa waxa uu sheegay inay  waddadan ugu tala galeen sidii ay Waddooyinka dhexe ee Magaalada Hargeysa uga yarayn lahayd  saxmada badan  waxaanu yidhi “Waxa aanu Maanta (Shalay), dhagax dhigayaa waddo taas oo  ka timaada maxkamada soona marta beerta xoriyada, kana talawda Cawaale Jidhoon iyo Laynka Milatariga ka dibna marta dugsiga mujaahid Quule Aadan Dool, kana talawda Degmada Axmed Dhagax oo dhan ka dibna sii maraysa degmada  Maxamuud Haybe ilaa Maxamed Mooge, runtiina Magaalada  waxa ku yaraa waddooyinka u kala baxa Barri iyo Galbeed, si  saxmada looga yareeyo waddooyinka dhexe ee Magaalada ayaa wadooyinkan loo samaynayaa, siyaasada uu hogaamiyaha ka yahay madaxweynaha  somaliland ee dhinaca waddooyinka ayaa miisaaniyada sanadkan ee dawlada hoose ku salaysan tahay in wadooyinka la horu mariyo, taas oo noqonaysa inay dawlada hoose waddooyin cusub dhisto qalabkiina soo iibsato, taas oo keenaysa  in waddooyin badan laga dhiso caasimada Hargeysa.” Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) waxa uu Shacabka Degmada Axmed Dhagax ugu  baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay waddadaasi u socon lahayd waxaanu yidhi “Waxaan Leeyahay shacabka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee waddadani ka bilaabmayso sida ay wadadani u dhan tahay wax lacag ah oo laydinka waydiinayaa ma jirto, qaadhaana ku darsada laydinma laha laakiin waa inaad ka qayb qaadataan halkii ay mari lahayd  guryaha  ka dhisana sidii loo dumin lahaa  guddiduna ay is garab istaagto dawlada hoose , qof aqal  wado ka dhistayna cidna looga garaabi maayo  meeshii uu doono ha ka soo jeedo mansabkii uu doono ha hayo, qofka wado aqal ka dhistay aqalkaas waa la duminayaa, waddadaasina ilaa marka ay marayso degmada Maxamuud Haybe aqal kasta oo ka hor yimaada waa la duminayaa dadkana waxaan leeyahay ha garab istaagaan dawlada hoose.” Sidoo kale maayarka caasimada Hargeysa waxa uu ka hadlay horu marka dhinaca waddooyinka ee ay ka hir galiyeen degmada Axmed Dhagax waxaanu yidhi “Wadooyinkii kale ee ay ka qayb galayeena sidii ay sanadadii hore uga qayb galeen imikana hawga qayb galaan, sanadkii 2013 xaafadaha waxa ugu horaysay oo xaga wadooyinka ugu wax qabad badnayd degmada Axmed Dhagax, 3.5km  masalaha ah ayaa laga hir geliyey, sanadba dhinac ayaa culayska la saaraa, sanadkana waxa weeyaan Maxamuud Haybe-Axmed Dhagax iyo  Gacan Libaax oo la dhamaystiri doono wadadii hore ee martay June iyo Gacan Libaax iyo waddadan aynu maanta dhagax dhigayn oo ah mashruuca ugu balaadhan ee dawlada hoose fulinayso sanadkan.”