Hargeysa: Nin Dhallinyaro Ah Oo Xalay Lagu Dilay Dooxa

0
669

Hargeysa (Geeska)-ALLE ha u naxariiste wiil dhallinyaro ah ayaa xalay fiidkii maydkiisa laga helay dooxa Hargeysa.

Marxuumka oo aanay Boolisku wax war ah dilkiisa ka soo saarin ayaa lagu dhuftay mindi, waxaana maydkiisa la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Falal amni darro ah ayaa laga dareemayaa magaalada Hargeysa muddooyinkii u dambeeyay. Hay’adaha ammaanka oo aanu xalay isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Dhallinyaro kooxo kooxo u socota ayaa wakhtiga habeenada dadka dhibaato u gaysta iyagoo ku weerara moobilada ay sitaan dartood. Alle haw naxariisto marxuumka, samir iyo iimaana haka siiyo ehelkiisa.