Maamulka Kililka Shanaad Oo Shalay Xarshin Ku Xidhay Suldaanka Guud Ee Subeer Awal

0
667

 

qaaqilHargeysa(Geeska)-Maamulka kililka shannaad ee Somalida Itoobiya ayaa shalay xidhay Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi iyo Suldaan Xuseen Ismaaciil oo isna ka mid ah salaadiinta Sacad Muuse, waxaana labadaas Suldaan iyo rag kale oo la socday shalay lagu xidhay xero milatari oo ku taala magaalada Xarshin.

 

Labada Suldaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Harta Sheekha oo ay u tageen xasuuq ay dhawaan ciidamada Liyuu Booliska ee kililka shanaad u gaysteen dad shacab ah oo aan hubaysnayn, ayaa waxay shalay socdaal ay ku booqanayeen dadkii dhaawaca ahaa islamarkaana ay ku soo tacsiyadaynayaan qoysaskii dadka laga laayay y ku tageen magaalada Xarshin. Laakiin markii ay magaalada gaadheen waxa xidhay maamulka magaaladaas. Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay kula xidhiidhay khadka telefoonka isagoo ku jira xerada milatari ee lagu xidhay, wuxuu sheegay in laga raali geliyay xadhigaas islamarkaana la fasaxay balse ay arrimo amni dartood xalay ugu hoyden xeradaas, islamarkaana ay saaka ka soo baxayaan.  “Markii aanu magaalada gaadhnay waxay nagu yidhaahdeen sharci uma haysataan, annaguna waxaanu tusnay inaanu safaaradda Itoobiya ee Hargeysa sharci ka soo qaadanay, laakiin way iska dhego mariyeen oo waxay nagu xidheen xero milatari.” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Xasan, oo Geeska Afrika u waramay, waxaanu intaas raaciyay, “Laakiin markii dambe way na raaligeliyeen waxaanay yidhaahdeen fasax ayaad tihiin laakiin arrimo amni darteed caawa [xalay] halkan iskaga hoyda berina [Saaka] iska baxa. Markaas beri [Saaka] ayaanu inshaalah iska baxaynaa oo aanu hawlahayagii halkii ka sii wadanaynaa.”

Suldaan Xasan oo la weydiiyay farriinta uu bulshada uu suldaanka u yahay gaadhsiinayo, wuxuu yidhi  “Waxaan umadda u sheegayaan inaan dhibaato lanoo gaysan ee si fiican lanoola dhaqmay, waana lanaga raali geliyay xadhigaas, berina [Saaka] waxaanu galaynaa hawlihii nabadaynta ahaa ee aanu dhulkan u nimid.”

Ciidamada Liyuu Booliska ee kililka shanaad ee Somalida Itoobiya ayaa dhibaato ku haya bulshada ku dhaqan dhulkaas ee aan ka soo jeedin Beesha Ogaden, waxaanay sidan oo kale dhawr goor oo hore u laayeen dad shacab ah oo aan hubaysnayn.