Xaqsoor Oo Xaflad La Isku Arkay Ku Soo Bandhigay Murashaxnimada Hargeysa Ee Dr. Saleban Daahir

0
614

 

Picture3Hargaysa( Geeska )-Urur-siyaasadeedka XAQSOOR, ayaa Munaasibad si heer sarre ah loo agaasimay ku qabtay hotel Crown ee magaalada Hargaysa, waxaana xafladan ururku uu ku daahfuray musharax Dr. Saleebaan Daahir Cabdilaahi ( Dogox ) oo doorashda golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa u baratami doona.

 

Xafladan oo si heersare ah loo soo abaabulay waxa ka soo xaadiray Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor Mujahid. Xasan Ciise Jaamac , Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Md.Cali Sandulle, Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne iyo Masuuliyiin kale ka socotay ururada Udhis,Nasiye iyo Jamhuuriga iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horayn munaasibadan waxa lagu soo bandhigay filim Daawasho ah, oo wax badan ka taabanaya dhibaatooyinka xoogan ee ka taagan dawlada hoose ee Hargaysa, heerka nadaafada iyo fayo dhawrka ee hooseeya iyo buburka ka taagan wadooyinka caasimada oo foolxumo badan dalka ku haya.

Musharaxan shalay  uu soo bandhigay ururk Xaqsoor, Saleebaan Daahir Cabdilaahi ( Dogox), ayaa si faahfaahsan muuqaalkaas daawashada ah kadib waxa uu balanqaaday in uu u guntan doono sidii wax weyn uu uga badali lahaa dhibaatooyinka xoogan iyo faalxumada ka taagan caasimada Hargaysa, waxaanu codsaday in ay codka doorashada la siiyo si uu Hargaysa Nafta uu ugu huro.

Ibraahin Cabdilaahi Xuseen Dhagaweyne, oo isaguna ka hadlay xafaldan, ayaa urur siyaasadeedka Xaqsoor ku taliyay in si diiran loo taageero, lana soo saaro, waxaanu uga adigay in ay iska jiraan in xisbiga Kulmiye oo haatan talada dalka hayaa uu codkooda dhaco.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhankiisa waxa uu si diiran u soo dheeyay urur siyaasadeedka Xaqsoor iyo musharax Saleebaan Daahir.

Xafladan lagu soo bandhigaayay musharax Saleebaan Daahir, waxa soo xidhay gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Muj.Xasan Ciise Jaaamc, waxaanu Xasan Ciise ka waramay kudhacyo tir badan oo uu ururka Xaqsoor Sameeyay iyo hadii talada dalka uu ku guulaysto sida uu u damacsanyahay inuu Xaqsoor bulshada Somaliland ugu sameeyo.