Tahriibkii Dhallinyarada Oo Xadhkaha Goostay Iyo Fashilka Xukuumada Ka Haysta

0
563

 

odaygaHargeysa(Geeska)-Inkastoo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xisbigiisa KULMIYE ololihii doorashada madaxtooyada ee ay ku guulaysteen ku galeen hal ku dhegga ah ‘UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal.’, ayaa haddana waxa soo baxaya in tahriibkii dhallinyaradu uu xadhkaha goostay.

 

Dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa ka ambobaxay dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho u hayaamay inay dalka Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub iyagoo sii mari doona saxaraha dhibka badan ee u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan, haddana haddii ay u suurtogasho uga sii gudbi doona badda ay malaayiinta ruux ee Afrikaanka ahi ku madheen ee Yurub loo sii maro.

Dhallinyaradan oo si isdaba joog ah dalka uga baxaya ayaa waxyaabaha tahriibkooda sababay waxa ugu weyn shaqo la’aan iyo busaarad dhinaca dhaqaalaha ah dalka ka jirta, waxaana dhallinyaradan tahriibay ay qaarkood ka qalin jebiyeen jaamacadaha dalka.

Waalidka dhallinyaradaas dhalay ayaa iyaguna u muuqda inay la baaxaa degayaan sidii ay ubadkooda ugu qancin lahaayeen inaanay dalkooda ka tahriibin, laakiin xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed siilaanyo ayaa u muuqata mid aan warba ka hayn hayaanka ay ku jireen dhallinyaradii reer Somaliland ee ay wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen ku beerlaxawsan jireen inaanay tahriibin, lamana hayo masuul xukuumadda ka tirsan oo dhallinyarada ka wacdiya tahriibkaas dhibta badan.

KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ahaa wuxuu xukuumadii hore ku eedayn jiray inay iyadu sabab u tahay tahriibka dhallinyarada, iyagoo taas u sibir saari jiray musuqmaasuq iyo shaqo la’aan dalka ka jirtay wakhtigii Rayaale, laakiin marka la is barbar dhigo labadaas xili ee Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo waxa ay dad badani qabaan inuu tahriibku wakhtigan xadhkaha goostay.

Tusaale ahaan wakhtigii Madaxweynihii hore iyo xukuumadiisii UDUB lama arag shaqaale ka tirsan waaxyaha dawladda oo tahriibaya, laakiin mudadii uu KULMIYE talada hayay waxa hayaamay shaqaale dawladeed oo badankoodu ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta.