Maamul Cusub Oo Loo Magacaabay Wasaaradda Maaliyada Gobolka Togdheer 

1
4148

 

Picture2Burco(Geeska)-Wasaaradda maaliyadda gobolka Togdheer gaar ahaan cashuuraha bariga Burco ayaa maamule cusub   loo magacaabay ,kaasi oo xilkii la wareegay shalay.

Maamulahan cusub oo la yidhaado Khadar Cabdiraxmaan ayaa xilkii kala wareegay maamulihii hore ee cashuuraha bariga Burco Cabdirisaaq  Jaamac Maxamed oo xilkaasi hayay mudo kooban.

Agaasime ku xigeenka Waaxda cashuuraha bariga Wasaaradda maaliyadda Axmed Maxamed Maxamuud (Khadar-laas) oo labadan masuul xilka cashuuraha Burco u kala wareejiyay ayaa hadal dardaaran ah ujeediyay maamulka cusub waxaanu yidhi. “ Waxa looga fadhiyaa maamulaha cusub in uu dakhliga cashuuraha bariga halkii maamulihii hore gaadhsiiyay ,meel ka saraysa gaadhsiiyo ,dhamaana cashuuraha ku fidiyo deegaamadda gobolka Togdheer .Dadweynaha reer Togdheer-na waxaan ugu baaqayaa in ay iska bixiyaan lacagaha cashuuraha ee ku waajibtay “ Sidaasi ayuu Agaasimuhu yidhi mar’uu ka hadlaayay xafladii xilwareejintaasi waxaanu intaasi ku daray oo uu u mahad-naqay maamulihii hore ee cashuuraha bariga Burco oo uu sheegay mudadii uu joogay in uu laban-laabay dakhliga gobolka Togdheer ,isla markaana gaadhsiiyay meel ka saraysa halkii masuuliyiintii hore gaadhsiiyee.

Geesta kale maamulihii hore ee cashuuraha bariga Burco Cabdi-risaaq Jaamac ayaa Wasaaradda maaliyadu u wareejisay ,Waaxda cashuuraha gobolka Awdal ee Boorame.

Comments are closed.