Hargeysa: Xaflad Furitaan Ah Oo Shalay Loo Sameeyay Shirkada Oman Oil

0
697

 

Picture3Hargaysa( Geeska )-Shirkada Oman Oil, ayaa xaflad furitaan loogu qabtay magaalada Hargaysa, shirkadan oo dalka keeni doonta shidaalka iyo saliidaha, isla markaasna laga leeyahay dalka Cumaan oo ay ka mid tahay shirkadaha ugu waawayn dalkaas.

Shirkadan  Oman Oil oo dalal badan oo dunida ah ka iibisa shidaalka iyo saliidaha waxa Somaliland uga wakiil noqon doona shirkada SAMOD oo iyadu hore dalka uga ganacsanaysay  saliidaha gaadiidka iyo mishiinada iyo waliba taayirada gaadiidka.

Daahfurkan loo qabtay shirkada Oman Oil waxa ka soo xaadiray wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud Md. Cali Cabdi Saa’iq, xubno ka tirasan ruugta ganacsiga Somaliland, ganacsatada iibiya shidaalka iyo saliidaha gaadiidka, gudoomiyaha shirkadaha korantada iyo masuuliyiin ka socday shirkada Oman Oil iyo SAMOD.

Maamulaha guud ee shirada SAMOD Md.Cabdirisaaq Maxamed oo furitaankii xafladaas ka hadlay ayaa si kooban u soo dhaweeyay shirkada Oman Oil waxaan hadalkiisa ka mid ahaa “ Aniga oo ah maamulaha guud ee shirada SAMOD waxaanu halkan ku soo dhawaynaynaa qayb ka mid ah shirkadayadan SAMOD oo wakiil u ah shirada caanka ah ee Oman Oil.waxaanan soo dhawaynaynaa madaxdeedii oo maanta halkan ku sugan iyo masuuliyiinta xukuumada nalaga jooga iyo waliba ganacsatada.”

Md.Xuseen Jaamac Galaal oo isaguna ku hadlay afka shirkada Oman Oil ayaa warbixin dheer ka baxiyay shirkada Oman Oil iyo qaabka ay u shaqayso, waxaanu masuulkan sheegay in shirkada Oman Oil la aasaasay 1957 iyada oo markaas la odhan jiray Bp, waxaanu sheegay inay mudooyinkii danbe la baxday magacan Oman Oil, sida oo kale waxa uu sheegay masuulkani in shiradan dawlada cumaan ay leedahay 49% halka 51% ka soo hadhayna ay dad kale wada leeyahiin, isla markaasna kaalinta ugu weyn ee dhanka shidaalka ay kaga jirto dalkaas dalal kalena ay gaadhsiiso shidaal iyo waliba siliida mishiinada, ugu danbayntiina waxa uu xusay in abaal marino waawayn in shirkadan lagu gudoonsiiyay shaqada ay hayso iyo waliba leefalka tayada waxayaabaha ay ka ganacsato.

Wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud Md.Cali Cabdi ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay shirkadan Oman Oil, isla markaasna talooyin u soo jeediyay “ Waxaan salaamayaa marti sharafta ka soo qaybgashay xafladan lagu daahfuraayo shirkada Oman Oil, shirdan waa faa’ido dalka u soo kordhay waanan soo dhawaynaynaa, saliida iyo waxtarka ay saliidu mishiinka u leedahay aad ayaa loo sharaxay, shiradu inay faa’ido waa la ogal yahay dadkuna inay ka faa’idaan waa loo ogal yahay markaas shirkadu qayb ha ka qaadato dhismaha wadooyinka ay baabuurtu  marayaan. Sida oo kale shirkadan waxa aan u soojeedinayaa inay dalka keenaan saliida mishiinka lagu shubo marka laga badalaayo saliida ee iyadu sifaysa.”