Cali Cabdalla Saalax Oo Muddo Ka Dib Fagaare Lagu Arkay

0
580

 

saalaxSanca (Geeska/AFP)- Madaxweynahii hore Yemen, Cali Cabdalla Saalax ayaa ka qeybgalay xaflad xisbigiisu ku xusayeen sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markuu xilka wareejiyey, isagoo Iran ku eedeeyey kala qeybinta dalkiisa.

Saalax, oo markii koowaad dibadda lagu arkay tan iyo markuu xukunka wareejiyey ayaa sheegay,  “Koox yar oo dibeddaha laga taageero ayaa doonaysa kala qeybinta dalka..kuwa lacagta ka hela Iran ha ogaadaan in wakhtigoodii dhamaad yahay,” 

Bishii October sannadkii hore ayuu, madaxweynaha Yemen Xadi, ku eedeeyey Iran inay taageeraan koox qeybin doonaya. Sidoo kale, wasiirka amaanka, Cali Xasan ayaa ku eedeeyey Iran inay xagal-daacinayso qorshaha wadamada Khaliijka ee keenay tegitaankii Saalax.

Madaxweynahii hore Yemen, Saalax, oo muddo 33 sannadood xukumayey dalkaa, ayaa kaga degay xukunka heshiis Qaramadada Midoobay taageerayey sannadkii hore, waxase uu  weli yahay gudoomiyaha xisbiga shacabka Yemen.

Saalax oo shalay abaabulay banaanbax lagu taageerayo xil wareejintiisa, isla markaana, weli haysta taageerada ciidmaada qaarkood iyo telefishan, ayey kuwa ka soo horjeeda ku eedeyaan inuu badhi-furayo heshiiska dalkaa. Golaha Amaanka ayaa bishan digiin ugu jeediyey Saalax in cunaqabatayn la saari doono, haduu khalkhal geliyo kala-guurka Yemen, balse waxuu deedefeeyey eedahaa wiigii hore, isagoo sheegay in xisbiga Al-Aslaax faafinayaan.

Wada hadaladda dhowaan bilaabmaya ayaa la filayaa in lagu sameeyo dastuur cusub, iyo shuruucda doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada ee sannadka dambe ka dhici doona Yemen.