Maalqabeenno Maraykan Ah Oo Bilaabay Qaorshe Ay Isugu Diyaarinayaan Dhammaadka Adduunka (Sida Ay La Tahay)

0
643

1Washington (Geeska)- Waxaa muddooyinkan dambe dalka Maraykanka ku soo badanaya maalqabeenno ku andacoonaya in ay isu diyaarinayaan wax ay ku sheegeen dhammaadka adduunka, waxa aanay lacag aad u badan ku bixinayaan gabboodyo dhulka hoostiisa ah iyo kuwo badda hoosteeda ah. Majaladda New Yorker ee ka soo baxda dalka Maraykanka oo sheegtay in ganacsi faa’ido badan leh ay muddooyinkan dambe shirkadaha dhismuhu ka heleen dhismayaashan gabboodka ah.

Warbixin xiiso badan oo ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay majaladdan ayaa lagu sheegayin dabagal lagu sameeyey diyaar garowyada muuqda ee ay maalqabeennadu ugu jiraan dhammaadka adduunka, iyada oo si gaar ah warbixintu u soo qaadatay hadallada ay dadkani muddooyinkii u dambeeyey ee uu dareenkani galay ku faafinayaan bogagga ay ku leeyihiin barkulannada internet ka ee bulshada.

Warbixintan oo Geeska Afrika uu Afsoomaali u rogay waxa ay sheegaysaa in tiro ka badan kala badh maalqabeennada ka shaqaysta degmada loo yaqaanno Silicon Valley oo ah xarunta shirkadaha tiknoolajiiyadda aadka u horumarsan soo saara, ay aaminsan yihiin isuna diyaarinayaan waxa ay u arkaan dhammaadka adduunka.

Waxaa xusid mudan in maalqabeennadani maalintan ay sheegeen in ay soo dhowaatay ee dhammaadka adduunka aanay ugu diyaar garoobayn xusuus aakhiro iyo Alle ka cabsi, balse waxa ay wadaa qorshe ay doonayaan in ay guryo aad u adag oo qalcado (Dhufays) ah ka dhistaan badda hoosteeda, dhulka hoostiisa iyo goobo kale oo ay aaminsan yihiin in ay sir tahay, kadibna ay iibsanayaan cuntooyin aad u badan oo kayd u noqda iyo hubka badan.

Maalqabeennada diyaargarwgan galay waxaa ka mid ah, Antonia Martinez Garcia oo ka mid ahaa agaasimeyaashii hore ee barkulanka bulsho ee Facebook, Garcia waxa uu iibsaday dhul kaymo ah oo aad u ballaadhan, dhulkaas ooku yaalla woqooyiga galbeedee badweynta deggen (Baasifigga) waxa uu iibsaday guushii Trump ee madaxweynenimada kadib, isaga oo aaminsan in ay tahay dhammaadkii adduunka, waxa isna sidaas oo kale yeelay agaasimihii hore ee shirkadda Yahoo oo imikana saami ku leh shirkadda 500 Startapp. Marvin Leiuo, isagu waxa uu saaxiibkiisa hore dheeraaday in waxa uu kaydsanayo uu ku daray hub, iyo weliba in uu u yeedhay tababarayaal bara ganista leebabka iyo shiishka.

Reid Hofmann oo isna saamile iyo asaase ka ah shabakadda bulsho ee LinkedIn ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee qaatay fikirka ah in dunidu dhammaanayso, waxa aanu bilowgiiba gabboodyo waaweyn lacag aad u badan kaga iibsaday dalka New Zealand.

Shirkad ka shaqaysa dhismayaasha oo caalamiya ayaa iyada oo ka faa’idaysanaya dalabka soo kordhaya ee maalqabeennadu ku dalbanayaan in loo dhiso gabboodyo lacag badani ik ukacayso, waxa ay shirkaddu bilowday in ay bakaarro dhulka hoostiisa ahaa oo ka guureen ahaa ay ka iibsato dawladda Maraykanka oo mar gantaalaha ku kaydsan jirtay, bakaaraddaas oo la dhisay 1960kii ayaaay shirkaddu u beddeshay gaboodyo aad u qurux badan, lacag aad u badanina gashay.

Gabboodyada ay shirkaddani ka dhistay bakhaarradan hore ee gantaalaha waxaa ku dhisan qalab iska caabbinaya weerarrada Nukliyeerka ah, waxa aanay bakhaarkii kasta ku iibinaysaa 1.5 illaa 3 Milyan oo doolar, waxa aanu qofka gudahooda ku nooli awoodi karayaa in uu shan sano ah ku noolaado dhexdoosa isaga oo aan mar keliya biyo iyo cunto midna dibadda ugu soo bixin.