Aqoonyahanka Ka Soo Jeeda Ceerigaabo Iyo Yubbe Oo Xukuumada Somaliland Ku Eedeeyay In Ay Hagratay Degmada Yubbe

0
751

Ceerigaabo (Geeska)- Shir jaraa’id  oo ay magaalada Ceerigaabo ku qabteen aqoonyahanka degmooyinka Ceerigaabo iyo Yubbe  oo ay ka mid ahaayeen C/rashiid Maxamed Dafle, Boqor Ibraahim Maxamed Xasan, Chief caaqil, Siciid Faarax, aqoonyahan Maxamed Ducaale Cawad iyo C/xakiin  Cumar Jibriil. Waxa ay shirkooda Jaraa’id kaga hadleen guud ahaan xaalada deeganku ku suganyahay waxanay dhaliil xoogan usoo jeediyay xukuumada Xisbiga Kulmiye ee uu  gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

1

Kulan ay isukugu yimadeen aqoonyahanka iyo duubabka dhaqan ee ka soo jeeda degmooyinka ceerigaabo iyo Yubbe  oo kulan wada jir ah ku qabtay magaalada Ceerigabo ayaa waxay xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo ku dhaliileen in aanay waxba u qaban deeganka bariga Sanaag.

Dhaliishan waxay aqoonyahanka iyo duubanku ku cadeeyeen in gabi ahaanba xukuumada xisbiga kulmiye  ilawday mudadii ay xilka haysay oo aan degmada Yubbe xaqeedii  degmo ahaaneed  aanay ka helin  lagana takooray bulshada Somaliland  inteeda kale.

Yubbe waxa ay ka mid tahay degmooyinka  lagu xisaabtamayo  codkooda, maadaama oo dadka deegaanku isku diwaangeliyeen doorashooyinka soo socda  “.Maanta bulshada reer Yubbe waxay haystaa fursad ay masiirkooda siyaasadeed ku jaan–goyn karaan, Kulmiyena waa kulmiyihii hore u dayacay oo waxba iskamay bedelin  riyadii uu ku  jirey iyo mooganaantii degmada ayuu wali ku jiraa”. Sidaa waxa yidhi C/rashiid Maxamed Dafle oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id qabtay.

“Hadaba hadii aanu nahay aqoonyahanka iyo duubabka bariga Sanaag gaar ahaan degmada Yubbe waxanu cadaynanaa in aanu cod oolin  degmooyinka Badhan iyo Dhahar sababtuna ay tahay in bulshada labadaa degmo ku dhaqani aanay is diwaangalin”.

Laakiin si balaadhan la iskaga diwaangliyay degmada Yubbe,  codka barriga Sanaag halkaa u yaalaa maanta ay tahay Yubbe.                                  

ujeedada kulankani waxay daarantahay sidii  xukuumada  wakhtigeedu sii dhamaanayaa ay uga soo jeesan lahayd ee wax ugu qaban lahayd degmada Yubbe, 

 

cadaalad daro ay bulshada reer Yubbe ku sameeysay  xukuumada xisbiga kulmiye ayaa keentay niyadjabka haysta bulshada reer Yubbe.   Yubbe nasiib umay helin waxqabadka dowlada

arimihii bulshada ee degmaduna waa eber, oo waxaba lagama qaban caafimaddkii iyo waxbarashadii.  

Yubbe waxay ku magacaaban tahay degmo  mana laha dhamaan kaabayasahii iyo astaamihii dowladeed ee degmo lagu yaqaan sida  Saldhig boolis. Yubbe waa meeshi  lagu aasasay nabadii gobolada barri. maantana maqaam siyaasadeed kuma laha dalka Jamhuuriyada Somaliland . waxana mudan in hoos loo eego oo dib loo saxo khaladka laga galay bulshda ku dhaqan degmada Yubbe oo xaqii ay lahayd wayday cid u garowdana aan haysan.

Ugu danbayn waxa ay duubabka iyo aqoonyahanka Yubbe sheegeen in wasiirka gaashandhiga oo deegaan ahaan ka soo jeeda degmadu in uu ka mid yahay mushkiladaha  ugu waawayn ee hortaagan degmada maxaayeelay waxa uu sanduuqyo gaar ah ku shubtaa mashaariicdii loogu talagalay  deegaanka.

Wasiirkan oo ku faana in uu ka mid ayahay wasiirada tirada yar ee waxkhtiga la dhamaystay Madaxweyne Siilaanyo Ayaan ka wasiir ahaan waxba u qaban bulshada degmada Yubbe.