Maalintii Ay Dadka Holland, Dileen Hoggaamiyii Dalka, Kaddibna Inta Ay Jarjareen Hilbihiisa Cuneen

49
4901

Amsterdam (Geeska)- Sannadkii 1653 kii, Johan De Witt oo u dhashay dalka Holland ayaa loo igmaday in uu noqdo hawglgabka ugu weyn dalka Holland. Kaas oo ahaa xil u dhigma xilka imika loo yaqaanno raysalwasaaraha.

Ereyga aynu afsoomaaligiisa ka dhignay, ‘Hawlgabka ugu weyn’ oo afka dalka Holland ku noqonaya ‘Raadspensionaris’ waxa uu ahaa magac xilka ugu sarreeya xukuumadda, oo hadda u dhigma raysalwasaaraha. Sababta hawlgabka loogu bixiyey ma cadda, waxa se ay u dhowdahay in looga jeeday uun in uu yahay ninka ugu sarreeya shaqaalaha dawladda oo dabcan xuquuq hawlgab ama mushahar ku yeelanaya dawladda.

Johan De Witt isaga oo 28 sano jir ah ayaa uu qabtay xilkan oo ahaa kan ugu sarreeya dalka, sidaa awgeed dadka reer Holland waxa ay u arkayeen wiil dhalinyaro ah oo himilo fog leh, waxa aanay ka filayeen in uu ku hoggaamin doono mustaqbal siyaasadeed oo hiraya, iyo dawladnimo dalka geyeysiisa guulo waaweyn. Rajadaa ay ka qabeen hoggaamintiisa ayaana ahayd sababta ay saddex jeer oo is xiga ugu doorteen in uu noqdo, ‘Hawlgabka ugu weyn dalka’.

Johan De Witt (Magaca koowaad waxaa loo akhriyaa Yoohaan), waxa uu ka dhashay qoys caan ku ah siyaasadda, waxa aana ka mid ahaa aabihii oo mar ahaa duqa magaalada Dordrecht. Qoyska uu ka soo jeedo awgii iyo xilka muhiimka ah ee uu aabihii hayey ayaa u fududeeyey in uu waxbarashada meel fiican ka gaadho, gaar ahaan dhinaca xisaabaadka oo uu illaa carruurnimadiisii si gaar ah u baranayey, waana sababta uu markii dambe u fududaysay in uu maamulo arrimaha dhaqaalaha ee dalkiisa.

Guulihii uu gaadhay

Johan De Witt waxa uu ku guulaystay in hal sano markii uu xilka hayey 1653 kii uu soo afjaro dagaalkii adkaa ee waqtigaas u dhexeeyey Holland iyo Ingiriiska, colaaddaas uu dhammeeyey oo uu kula baxay naanaysta ah, ‘Diblumaasigii ruugcaddaaga ahaa, ama diblumaasigii fariidka ahaa’.

Johan De Witt waxa uu xilka ‘Hawlgabka ugu weyn’ qabtay xilli ay taariikhda dalka Holland u taqaanno, ‘Casrigii dahabiga ahaa’ oo lagu tiriyo in uu dalkani ka mid yahay dalalka ‘Quwadda caalamka’ ahaa markaas. Waxa uu dalku gumaysanayey dhul aad u ballaadhan oo qaaradaha Ameerika iyo Aasiya ka mid ah. Waxaa jira dhaqdhaqaaq ganacsi oo aan hore loo arag, kaas oo nooleeyey dekedaha Holland oo ay maalin kasta ka soo degi jireen badeecado ay ka mid yihiin Dahabka, Xawaashyada iyo Xariirta oo ay shirkad lagu magacaabi jiray, ‘Shirkadda Hindiyada Bari’ oo dalka Holland laga lahaa ka keeni jirtay daafaha dunida.

Colaado iyo loollanno siyaasi ah oo u dhexeeyey Ingiriiska

Horumarkaas ballaadhan ee dalka Holland ka jiray, waxaa garab socday xaalad loollan siyaasadeed iyo colaado ah oo dalku ku jiray, gaar ahaan dagaalladii u dhexeeyey dalka Ingiriiska. Dhinaca kalana waxaa iska haystay ganacsatada oo awood badan dalka ku lahayd iyo siyaasiyiintii Jamhuuriyiinta loogu yeedhi jiray ee doonayey in dalka nidaam jamhuuri ah lagu dhaqo oo isku dhinac ahaa iyo dhinaca kale oo ay ka soo jeedeen siyaasiyiintii iyo awooddii la jirtay fikirka ahaa in dalka lagu dhaqo nidaam boqortooyo. Waxa aanay si gaar ah u taageersanaayeen in talada loo dhiibo tafiirta Nassau, oo ahaa qoys talada Holland iyo guud ahaan qaaradda Yurub saamayn ku lahaa.

Dhammaadkii Johan

Inkasta oo uu Johan ahaa ninkaas hawlaha badan ee fiican dalkiisa ka qabtay, haddana waxaa jiray qawad badan oo ay dadku ka qabaan inta uu qabtay, maadaama oo ay marka hore ka filayeen waxqabad iyo horumar intaas aad uga weyn, waxa kale oo iyaduna xoogaysatay colaaddii ka soo horjeedday Johan, illaa ugu dambayntii uu dalka ka dhacay gadood la doonayo in uu xilka kaga dego.

Maalin ka mid ah maalmaha uu gadoodka aadka u weyni socday, ayaa dad aad u tiro badan oo dibadbaxayey ay ku guulaysteen in ay weeraraan Johan De Witt oo kormeerayey xabsi ku yaallay magaalada Lahai, cabbaar iska caabbin ay samaysay ilaaladii hoggaamiyuhu kaddibna, dadkan oo hirar ahaa waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan Johan De Witt iyo walaalkii, inta ay soo jiideen ayaa ay la yimaaddeen mid ka mid ah fagaarayaasha waaweyn ee magaalada. Kaddib garaac arxandarro ah ayaa ay ku bilaabeen, ugu dambayntiina hoggaamiyaha iyo walaalkii oo aan waxba ku noolayn ayaa ay toogteen, maydkoodiina soo sudheen tiir dheer oo goobta ku yaallay. Dadkan aadka u cadhaysnaa intaas kagama ay tegin hoggaamiyaha, balse badhkood waxa ay googoosteen hilbihii Johan De Witt, oo ay cuneen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here