Dawladda Somaliland Oo Raysalwasaaraha Itoobiya Ugu Baaqday Inuu U Soo Jeesto Arrinta Somaliland Iyo Soomaaliya

228
50306

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa ugu baaqday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo uu u xaliyo sidii uu u xaliyay arrimaha Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan.

Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Axmed Xasan Cigaal, oo u waramay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysalwasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika.

Mr. Cigaal wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysalwasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan, “Waxa aanu raysalwasaaraha ka rajaynaynaa in uu sida oo kalena u soo jeesto Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland.

Waxa kale oo uu wakiilka Somaliland sheegay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee ka badheedha aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, “Waxaanu rajaynayaa in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee dunida u sheega in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado.” Ayuu yidhi Wakiilku.

Waa markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland ugu baaqdo raysalwasaaraha Itoobiya inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here