Xildhibaan Qabile Oo Sheegay Inay Xukuumadu Sharciga Ku Tumatay

0
648

Picture1Hargaysa(Geeska)Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiilada, isla markaana mid tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID  golaha ayaa Xukuumadda taladda dalka haysa ku eedayey inay Sharcigii dalka ku tumatay, isla markaana aanay ku dhaqmin, isaga oo tilmaamay in sida ay doonto u jabiso Sharciga, waxaanu tilmaamay in haddii Sharci jabinta la joojin waayo in kacdoono dhici doonaan, oo dadku aanay u adkaysan doonin Sharci darada uu sheegay. Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile ayaa sidoo kale dhaliil u soo jeediyey Wasiirka Wasaradda Madaxtooyada oo uu sheegay in marka uu ka gaadhay danta uu ka lahaa Hay’adda Waddooyinka inuu iska wareejiyey, isaga oo tilmaamay inuu Lacag ka urursaday. Xildhibaan Qabile ayaa isaga oo Warbaahinta u waramaya sidoo kale sharci daro ku tilmaamay Dekada Berbera oo uu sheegay inay Xukuumaddu ku wareejisay Shirkad ajaanib ah, waxa kale oo uu ka hadlay qodobo kale oo ay ka mid yihiin Socdaalkii Madaxweynaha ee Gobolka Awdal iyo iska hor imaadkii ka dhacay Deegaanka Bali Diiriye Guuleed, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay   “Arinka La yidhaa Dastuurka iyo Sharcigu waa Hanti ay Umaddu leedahay,haddii ay Golayaal ilaalin wayaan Sharcigu inuu shacabku ka aamuso maaha,Masuul kasta oo Qarankan ka tirsan Waxa ay dhawrista Sanaantiisu ku jirtaa marka uu isna dhawro Sharciga Dalka u yaal,haddii aan Sharciga sidiisa loogu dhaqmin ama aan la ilaalin waa layska celinayaa Qofkaas,doorkii uu sharcigu kaga jiray nolosha,Qarankan curdinka ah,wax yaabaha uu Maanta u dhiig baxayo waxa ka mid ah sharcigii oo bulshadii la ilaw siiyay isna la ilaaway”.

Xildhibaan Qabiile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi.”Nin ka tirsan Xildhibaanada Yurubta ayaa yidhi marka aad Dadka ugu cel-celiso Cadaalada darada aakhirka way u hogaan samaan,lakiin dadka sidaas Sharcigooga loo bur-burinayo aakhirka way fikiri doonaan,waxaana dhici doona kacaano is bedel ah,Shacabku waxa ay leeyihiin Maskaxo kaydiya xad gudubka lagu sameeyo,Dadkun may quusan ee sharcigooda lagu tumanayo way u hiili doonaan”. Xildhibaan Qabiile ayaa mar uu ka hadlaayey Wasiirka Madaxtooyada yidhi  “Waa yaab Wasiir Xirsi inuu iska wareejio Hay’addii Waddooyinka markii lacagtii uu ka meelaystay Ardaydii nusa-saacihii laga madhiyay ayaa laga hoos saaray waa mid aan meesha qaban gudi madax banaana waa in loo saraa arinkaas:”. Xildhibaan Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey Dekada Bebera yidhi  “Dekada Berbera waa Dekada ugu weyn Geeska Africa,waan Dekada ay ku xidhan yihiin Shacabka oo dhami,uma baahna gacmo shisheeyey,Dastuurka Dalka u yalaa waxa uu sheegayaa in Sharaa’iga ay dawlada Somaliland la galayso heshiiska waa in la hor keenaa Golaha Wakiilada,waxaan leeyahay Shacabku ha diidaan waa xaraan,markii horeba Xukuumada waxa ay iska jidaysay in ay samaysato ciidan aanu ogolayn sharciga dalka u yaal,hadii amarkaas shirkada lagu wareejinayo Dedkada Berbera xukuumaddu ka dayn waydo Shacabka ayaa jawaabteeda aanu u dayn doonaa”.  Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi“Madaxwaynahu socdaal ayuu ku soo maray Gobolka Awdal waxaan islahaa inta uu guntiga u furto ayuu tabashadooda dhagaysan,lakiin taasi may dhicin ee sara joog inta uu kula hadlay ayuu guuro ku soo dhaafay una soo hurdo tagay Wajaale,arintii way sii laba kacay-laysay halkii Goday wali soomay noqon,cadhadii ay Siilaanyo ka qadeen,waan la qabaa baroorta waan la qabaa baroor diiqda waan ku xumay dhibta lagu hayo. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile waxa uu sidoo kale soo jeediyay in ay Xukuumaddu go’aamadii ay ka soo saartay xaalada ka taagan Deegaanka Bali Diiriye Guuleed sidoodii loo fuliyo., waxaanu yidhi “Waxa aan soo jeedinaya in go”aamadii ay Xukuumaddu ka soo saartay Deegaanka Bali Diiriye Guuleed sidoodii loo fuliyo”.