Ma Runbaa In Gabadhu Ay Cadow U Tahay Gabadha Kale Ee Xilka Haysa Ama Ka Sararysa Mansab Ahaan?

0
633

Bilowga hore waxaa laga yaabaa in dad badan ay la yaab ku noqoto su’aasha aynu cinwaanka u qaadannay, ama su’aal geliyaan sababta su’aashan. Laakiin waxaa hubaal ah in dareenkaas ay wax iska beddelayaan marka aad eegto jawaabaha ay bixiyeen haween sahamin lagu sameeyey. Haweenka xilalka sare qabtay ama gaadhay mansab dadka ay maamulaan ay haween ka mid yihiin ayaa qiray in dhibta ugu badani ay kaga timaaddo haweenka kale. Haweenka qaarkood ayaa sheegaya in ay shaqada ku waayeen warar been abuur ah oo ay ka sameeyeen haween ay wada shaqaynayeen oo ay ka sarreeyeen ama loollan adag oo ay haweenkii ay wada shaqaynayeen la galeen.

Inkasta oo ay arrin caadiya tahay in shaqaalaha qaar ay ka xumaadaan in cid hore ula heer ahayd ay u dallacdo maamul, marar badanna ay isku dayaan in ay caqabado hor dhigaan, haddana haweenka sahamintan lagu sameeyey oo ahaa kuwo xilal kala duwan ka haya goobaha ay ka shaqeeyaan ayaa ku doodaya in cidda ugu badan ee dhaqannada noocaas ahi kaga yimaaddaan ay yihiin haweenka. Waxa ay marar badan isku dayaan in ay sumcad dil ku sameeyaan, in ay shaqaalaha kale ka hor keenaan iyo in ay maamulka sare uga gudbiyaan warar been abuur ah oo haddii la rumaysto sababi kara in shaqada laga joojiyo ama ugu yaraan xilka ay waayaan.

Dagaalka haweenku kuma koobna in gabadhu ay colaad la gasho gabadha madaxda u ah, balse waxaa la mid ah in gabadha madaxda ah qudheeduna ay haweenka ay maamusho ula macaamisho si ka kakan sida ay ula macaamilayso ragga ay madaxda u tahay. Saamiya Al-Mawli oo ka mid ahayd haweenkii ay Aljazeera sahamintan ku waraysatay ayaa sheegtay in gabadhu ay si qallafsan ula dhaqanto jinsigeeda. Xitaa haweenka garsooreyaasha ah ama shaqaalaha kale ee haweenka ahi in ay haweenka ula dhaqmaan si ka duwan sida uu ula dhaqmi lahaa garsooruhu haddii uu nin yahay ama haddii cidda shaqaalaha maamulaysaa ay nin tahay.

Si kastaba ha ahaato ee dumar badan ayaa si weyn u diidan in dumarku ay haweenka madaxda u ah ku qaadaan cadaawad iyo cidhiidhi gelin ka badan ka ay ku hayaan madaxdooda ragga ah. haweenkani waxa ay ku doodayaan in ay tahay sheeko ay raggu aad u fidiyeen oo ay doonayaan in ay ku yasaan haweenka ama ka wadaan xeelad ay iskaga horkeenayaan haweenku si aanay fursad ugu helin in ay ragga la loollamaan.

Kawthar Caytaani oo ku xeeldheer cilminafsiga ayaa waraysi arrintan la xidhiidha oo ay siisay shabakadda Aljazeera waxa ay ku sheegtay in sababta keenaysa dagaalkan ama loollankani ay tahay hinaase qofka u gelaya qofka madaxda u ah oo uu aaminsan yahay in uu isaguba halkaas qaban karo. Laakiin waxa ay diidday in hinaasahaasi uu gaar u yahay haweenka, iyada oo sheegtay in ay jirana rag badan oo qudhoodu qaabkan la collaatanka ah kala hortaga cidda ay isku heerka ahaayeen ee shaqada meelsare ka gaadha. Waxa ay sheegtay in aadamuhu ay rag iyo dumarba ka siman yihiin hinaasaha, loollanka iyo in ay guusha raaadinteeda isku garbiyaanna ay tahay mid sababtaas ku imanaysa oo aan jinsi keliya ku gaar ahayn.

Kawthar Caytaani waxa ay sheegtay in xitaa haddii ay dhacdo in haweenka qaar leeyihiin hinaase ka xumaada in gabadha faceeda ah ama shaqada kala midka ahi ay dhaafto, in dabeecaddaasi ay iska tirtiranto marka ay gabadhu gaadho xilka sare, sidaas awgeed ay iyadu si dabacsan ula macaamisho xaawaleyda kale ee ay madaxda u tahay.

Khabiir Kawthar Caytaani oo wax laga weydiiyey in haweenku ay xilalka sare ee goobaha ay ka shaqaynayaan kula loollamaan ragga, waxa ay sheegtay in ay taasi dhacdo inta badanna ay ku aroorto hidde hore oo ah in hablaha illaa yaraantooda lagu soo ababiyo in ay ragga iska dhiciyaan. Waxa se ay hoosta ka xariiqday in haweenka dunida saddexaad ay inta badan ka mihnad hooseeyaan ragga ay wada shaqaynayaan sidaas awgeed ay taasi caqabad ku noqoto loollanka ay la geli lahaayeen.