Gabadha Uu Dhalay Trump Iyo Ninka Qaba Ee Awoodda Badnaa Oo Sumcad Xumo Uga Guuraya New York

0
624

Gabadha uu dhalay madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Maraykanka iyo odaygeeda ayaa la sheegay in ay qorshaynayaan in ay ka guuraan magaaladooda New York, marka ay dhammaato muddo xileedka madaxweyne Trump 20-ka bisha Jeenaweri ee 2021 ka.

Trump inantiisa uu sida aadka ah u jecelyahay ee Ivanka Trump iyo saygeeda lataliyaha u ahaa Trump ayaa la sheegayaa in sumcaddoodu aad u xumaatay afartii sano ee u dambeeyey oo loo arkayey in ay adeegsanayaan awoodaha madaxweynaha.

Wargeyska New York Times ayaa sheegaya in aan la hubin weli halka ay u guuri doonaan lakaiin ay jiraan warar la isla dhex marayo oo sheegaya New Jersey, gaar ahaan guri ku yaalla baadiyaha meel aan ka fogeyn dhulka uu ku yaallo garoonka kubadda Golf ka ee Trump. Waxa la filayaa in arrintaas dhowaan la ogaan doono marka ay bilwadaan hawlaha ay lammaanahani ku diyaarsanayaan goobtii ay iyaga iyo carruurtoodu degi lahaayeen Aqalka Cad dabadii, taas oo la filayo in ay noqon doonto goob ku habboon raaxadooda iyo buuxinta baahiyaha koritaan ee ubadkooda.

Qoyskan maalqabeenka ah oo madaxnimada ka horba la ilaalin jiray ammaankooda ayaa la filayaa in hadda loo ilaalin doono si aad uga adag sidii hore ama aan ka yarayn sidal oo ilaaliyo madaxweynuhu marka uu xilka ka tago.

Inkasta oo ay lammaanayani lataliyeyaal u ahaayeen madaxweyne Trump saamayn badanna ku lahaayeen siyaasadiyihisii hoggaamineed, haddana waxaa jiray warar soo baxay doorashadii uu guuldarraystay Trump kaddib, oo sheegayey in labadooduba ay madaxweynaha kula taliyeen in uu aqbalo guuldarrada, halka uu madaxweynuhuna wiilka uu sodogga u yahay ku canaantay in uu qayb ka yahay sababaha guuldarradiisa.

Ivanka Trump oo ah ilmaha labaad ee madaxweyne Trump waa qofkii koowaad ee diinta Yuhuudda haysta ee ka mid noqda qoyska koowaad ee Maraykanka. Waxa aanay diinta Yuhuudda qaadatay waqti yar ka hor sannadkii 2009 ka markii ay guursanaysay Jared Kushner oo asalkiisu yahay Yuhuudi haysta diinta Yuhuudda.