Qaramada Midoobay oo aan weli ka soo jawaabin eedihii Madaxweyne Biixi iyo suurtogalnimada talaabooyin kale oo ay Somaliland qaadayso

0
553

Madaxweyne Biixi iyo Qaramada Midoobay oo aan weli ka wada hadal khilaafka u bilaabmay labada d dhinac  

Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay ayaan weli wax jawaab ah ka soo bixin eedihii kala duwanaa ee ay Madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisu u jeediyeen.  

Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah Qaranimada Somaliland, kuwaas oo ka soo fulaya dawladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa daba socday qoraal ay wasaaradiisa qorshayntu u qortay hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay ku hakisay wada shaqayntii.  

Hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaan weli ka jawaabin eedaha Madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisu u jeediyeen.  

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanu jirin wax xidhiidh iyo wada hadal ah oo ilaa hadda dhex maray xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Qaramada Midoobay oo lagu dejinayo xiisada ka dhex oogan labada dhinac.  

Lama garanayo talaabada  xigta ee u qorshaysan Madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa, haddii aanay Qaramada Midoobay wax ka qaban tabashada ay Somaliland ka tirsanayso Qaramada Midoobay, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya inay xukuumadda u qorshaysantahay talaabooyin kale oo dheeraad ah, haddii aanay Qaramada Midoobay wax ka qaban qorshaha ay madaxda Somaliland cambaaraysay.

Xidhiidho kala duwan oo uu Geeska Afrika la sameeyay Qaramada Midoobay si uu wax uga weydiiyo mawduucan ayaanay weli ka soo jawaabin Qaramada Midoobay.  

 

Geeska.net/Hargeisa Office