Dr.Gaboose Oo Labeenta Somaliland Ugu Baaqay Inay Dhex Galaan Madaxweynaha Iyo Mucaaradka

0
1103

 

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in xaalka Somaliland uu maraayo meel halis badan, loona baahan yahay in ganacsatada,culimada,siyaasiyiinta iyo wax garadka Somaliland inay fadhiga ka kacaan oo la dhex galo xisbiyada mucaaradka ah iyo madaxweynaha oo haatan soo kala taagan.

Waxa uu sida oo kale sheegay Dr.Gaboose in dhammaan haayadii dalka ee ay ahayd inay is dheeli tiraan ay haatan gacanta u   wada galeen Madaxweynaha oo keliya.

Waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay qaybta tilifishanka ee BBC, waxaanu ku bilaabay sidan “ “Somaliland si ay ugu naalooto xoriyad,dimuqraadiyad iyo xuquuqda aadamaha  iyo wax walba waxay samaysatay dastuur ku salaysan  dalku inuu yeesho haayado  is dheelitira oo kala madax banaan  oo is ilaaliya, kuwaas oo kala ah baarlamaanka oo laba qaybood ah guurtida iyo wakiilada  iyo fulinta iyo garsoorka, mid walba waxa loo qoray qaabka ay u shaqaynayso, maanta nasiib darada taalaa waxa weeye guuritdu 30 sano muddo ku dhow ayay fadhidaa  waxaana xilkeeda loo igmaday 5 sano oo kaliyaata inay fadhido, golahii wakiiladu waxa uu fadhiyaa 15 sano, waxaana loo igmaday shan sano,madaxweynayaashii soo maray iyo ka hadda siday wax u socdaanba muddo kordhin iyada oo dalka wax mushkilad ah oo ka jiraa aanay jirin. Haayadahaas la rabay inay is miisaamaan oo kala madaxbanaanaadaan oo ay isku hiiliyaan  ayaa meesha ka sii baxaayay sanadba sanadka ka danbeeya iyo maamulba maamulka ka danbeeya.”

Dr.Gaboose oo arintan ka sii hadlaayay waxa uu yidhi“ Ta meesha taalaa waxa weeye haayadii kala madaxbanaanaan lahaa  ee dalkan kala habayn lahaa  ayaa dhaqaalihii iyo maamulkii  waxa uu ugalay gacanta fulinta madaxweynaha maaha Muuse Biixi oo kaliyaata waa wax muddo soo socday  oo maamuladii horeba ay ku wada jireen, waxay u fududaysay aan musuqba idhaahdee inay garsoorkii gacanta ku dhigaan oo guuritdii gacanta ku dhigaan in komishankii ay gacanta ku dhigaan in ciidamadii fulinaayayna gacanta lagu hayo, wariyayaashii iyo cidii hadashana xabsiga loo taxaabayo markaas awoodii qaranka oo dhan ayaa ku soo ururtay hal shaqsi.”

Ugu danbayntii waxa uu Dr.Gabose ku taliyay in fadhiga laga kaco oo la dhex galo mucaaradka iyo madaxweynaha “Xaalada ay Somaliland marayso haday doorasho tahay iyo haday nabadgalyo tahayba dalku waxa uu u baahan yahay indheer garad,ganacsatada,culimada,waxgarad iyo siyaasiyiin intii la awoodi karaa intay isku timaado madaxweynaha iyo asxaabta ay dhex galaan arintaas xalkeeda iyaga uun baa keeni kara qoladana waa kala taagan tahay muddo dheer ayayna is jiidh jiidayeen, waxaan ku talin lahaa inay dadku ka kacaan fadhiga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here