Ma Is Weydiisay Cabbitaanka Ugu Habboon Ee Aad Ku Qaboojin Karto Kulaylka Busbaaska

0
863

Hargeysa (Geeska)- In badan oo dadka ka mid ah ayaa jecel in ay cunaan cuntooyinka uu busbaasku ku badan yahay, laakiin mararka qaarkood ayaa ay dhibaato kala kulmaan, kaddib marka uu kulaylku ka bato intii ay u dulqaadan karayeen. Waxa ugu badan ee ay markan oo kale dadku isticmaalaan waa in ay biyo cabbaan iyo in ay cunto qallalan sida khubuska iyo roodhida.  Laakiin xeeldheereyaasha u dhabbagalay arrintani waxa ay sheegayaan in waxa ugu wanaagsan ee kulaylka busbaaska lagu dili karaa ay tahay koob caano ah oo la cabbo.

Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda ‘Futurity’ ayaa sheegaysa in cabbitaanka ugu fiican ee lagu yarayn karo kulaulka aadka ah ee busbaasku ay tahay in la cabbo caano.

Elisa Noldan oo ah bare-sare oo cilmiga nafaqada ka dhiga jaamacadda Massachusetts, kana mid ahayd xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in cilmibaadhiso dheeraad ah lagu sameeyo arrintan, si loo ogaado sababta cilmiga ah ee caanuhu u heleen awoodda ah in ay yareeyaan gubashada busbaaska, si ka duwan kana fiican cabbitaannada kale oo dhan.

Laakiin waxa ay sheegtay in illaa xadka hadda la ogyahay illaa hadda ay sababtu la xidhiidho qaabka ay sonkorta, barootiinta iyo dufanku ula falgalaan maaddooyinka kulaylka busbaaska keenaya. Gaar ahaan barootiinta iyo sonkorta caanaha, ayaa ay sheegtay in ay saamaynta ugu badan yeelanayaan, maadaama oo caanaha kuwooda dufanka leh iyo kuwa aan lahaynba ay kulaylka busbaaska yareeyaan, sidaa awgeed ay taasi daciifinayso in la yidhaahdo sababtu waa dufanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here