Madaxweyne Biixi Oo La Filayo In Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyo Dalka Iyo Jidadka Hargeysa Oo Ay Ka Babanayaan Calamada Somaliland Iyo Guinea

0
741

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ee safarka ugu maqnaa dalka Guinea ayaa la filayaa inay maanta ku soo laabtaan caasimadda Hargeysa.

Soo dhawayn abaabulan ayaa laga dareemayaa magaalada Hargeysa, waxaana jidadka caasimadda qaarkood la sudhay labada calan ee Somaliland iyo Guinea iyadoo sidoo kale dariiqyada la taagay labada sawir ee Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Alpha Condé.

Soo dhawayntan la filayo in lagu qaabilo Madaxweyne Biixi ayaa ka dhalatay ka dib markii ay dawladda Soomaaliya dalka Guinea u jartay xidhiidhka, ka dib socdaalka uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Alpha, waxaanay talaabada ay dawladda Soomaaliya qaaday noqotay mid isu soo dhawaysay shacabka Somaliland oo ay weli ka muuqato kala qaybsanaatii ka dhalatay doorashadii 2017. Hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in loo midoobo soo dhawaynta Madaxweyne Biixi, sidoo kalena xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid ayaa iyaduna taageerayasha Waddani ugu baaqday in la taageero safarka Madaxweyne Biixi ee dalkaas.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa soo gaadhay shalay Addis Ababa,waxaanu kulamo la yeeshay masuliyiin ka tirsan dawladda federaalka Itoobiya oo uu ka mid yahay wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo Madaxweynaha dawladda gobalka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, waxaana la filayaa in Madaxweyne Biixi barqada maanta soo gaadho magaalada Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here