Ma Saxbaa In Waalidku Uu Mar Kasta Soo Farageliyo Xal U Helidda Muranka Ubadka, Mise Jid Kale Ayaa Jira?

0
803

Hargeysa (Geeska)- Khilaafka ubadka dhexdiisu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka culayska ugu badan ku keena waalidka, waxa aanu waqti badani ku lumaa u garnaqooda iyo ciqaabta hadba kii loo arko in uu gardaran yahay.

Laakiin arrinta ay tahay in la is weydiiyaa waa, illaa inta ay sax tahay in carruurta khilaafkooda lagu dhammeeyo u garnaq. Labada carruur ah mid kastaa isaga ayaa isla quman, sidaa awgeed in mid kiiska la saaraa waxa ay bixinayaa dareen ah in uu u qaato in waalidku uu ilmahaas ka jecel yahay. Haddiiba ay dhacdo in ilmuhu uu dareenkaas qaatana, waa ay adkaataa in dabeecaddiisa wax laga beddelo, iyo in uu joojiyo khilaafka isaga iyo walaalkii u dhexeeya oo ay dhacdo in uu isagu mar kastaba bilaabo.

Nermiin Al-Halbaawi oo ku xeeldheer cilminafsiga carruurta iyo barbaarintooda ayaa sheegaysa in garnaqu aanu ahayn sida ugu fiican ee loo xallin karo khilaafka labada carruur ah. Taas beddelkeedana waxa ay ku talinaysaa in waalidku uu meel ka durugsan carruurta iyo dadka kalaba la fadhiisto labada carruur ah ee khilaafku dhex maray, mid kasta gaarkiisa. kaddibna uu mid kasta kelidii mar gaar ah, fahamsiiyo qaladaadka ay sameeyeen iyo dhibaatada ka dhalan karta. Isla markaana uu u sharraxo tallaabooyinka uu qaaday ama ereyada uu yidhi ee sabab u ahaa in uu sii socdo muranka isaga iyo walaalkii.

Marwo Nermiin waxa ay sheegtay in aanu xalku ahayn in ilmaha la canaanto, ama qaladaad uu sameeyey intii uu walaalkii khilaafka kula jiray lagu ciqaabo. Iyada oo arrintaas sababaynaysana waxa ay tilmaamtay in ay dabeecadda aadamaha tahay in qof kastaa marka uu qof kale khilaaf iyo dagaal kula jiro u dhaqmo ama ku hadlo wax kasta oo uu is leeyahay waad kaga cadhaysiin kartaa, ficil iyo hadal labadaba. Labada carruur ah ee khilaafku dhex marayaana taas waxba kama duwana.

Waalidku waa in uu ilmaha baraa arrin aasaasi u ah nolosha bulshada; taas oo ah in aanu sidiisaba jirin qof wada beri ama dembi laawe ahi, iyo in aanu jirin qof dembiile wada ah. In aanu jirin qof mushkilad dhacday kelidii ka wada masuul noqon karaa. Taas macnaheedu waa dhib kasta oo dhacda in ay jiraan dhinacyo kala duwan oo masuuliyaddeeda yeelanaysaa, khilaaf kasta oo laba dhinac dhex marana ay labada dhinacba qaladaad yeelanayaan.

Haddii aad ilmahaaga intaas fahamsiiso waxa ay khubarada cilminafsigu aaminsan yihiin in ay ka caawinayso in ay nolosha wax badan ka fahmaan, dhibaatooyin badan oo mustaqbalka ka hor iman lahaana ay xal u noqonayso. Qodobka labaad ee muhiimka ahi waa, in waalidku uu ilmihiisa ku tababaraa sida ugu fiican ee uu qofku naftiisa u xakamayn karo, gaar ahaan marka uu cadhaysan yahay in aanu isu dhiibin dabeecaddiisa, ee uu noqdo qof la socon kara erey kasta iyo fal kasta oo uu ku kacayo. Arrintani waa muhiim, waayo waxaa xaqiiq ah in aanu qofna awoodi Karin in uu wax ka beddelo ama joojiyo ficillada iyo ereyada uu qofka kale samaynayo marka uu cadhaysan yahay, waana sababta ay Soomaalidu u tidhaahdo, “Af aanad lahayn ma aamusiisid” Laakiin nafteenna waa aynu xakamayn karnaa, ficillada ay ku kacayso iyo ereyada ay odhanaysana waynu ogaan karnaa, sidaa awgeed tallaabada koowaad ee ay tahay in ilmaha la baro, qofka weynina ku dhaqmo marka uu cadhoonayaa waa in uu naftiisa xakameeyo ereyada uu odhanayaana noqdaan kuwo uu dareensan yahay cawaaqibka ka dhalan kara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here