Ma Dhabbaa Nin Kasta Oo Guulaysta Gabadh Baa Ka Dambaysa?

0
842

Muddo dheer waxaa lagu celcelinayey ‘nin kasta oo guulaysta gabadhbaa ka dambaysa’ waxa uu noqday halkudheg bulshooyinka adduunku ay ka midaysan yihiin si kasta oo ay afafkoodu u kala duwan yihiin. Marar badanna waxaa la arki jiray haweenka oo ku faanaya in ay ay qayb ka yihiin sababaha guusha saygoodu gaadhay. Maanta adduunyada waxbadan ayaa is beddelay, haweenku hadday shalay ku qanacsanaayeen in ay raggooda taageerada iyo dhiirrigelinta la daba joogaan, maanta iyagaaba in ay xagga hore maraan raggana taageero ka helaan. Sidaas awgeed su’aashu waxa ay tahay weli dumarku ma ku qanacsan yihiin in auy kaalintaas qaataan, ama doorkoodu ku koobnaado in ay ninka guulaystay taageeradiisa ahaadaan? Waxaa su’aal kale oo ka sii muhiimsan ah, halkudheggani weli ma shaqaynayaa ama isticmaalkiisu munaasab ma yahay?

In halkudheggan la fahmaa waxa ay u baahantahay in la isdul taago kaalinta ay sideedaba gabadhu ku leedahay nolosha bulshada iyo gaar ahaan saygeeda. Taasina waxa ay isla bedbeddelaysaa xilliyadii kala duwanaa ee ay taariikhdu soo martay, dhaqannada diineed ee la kala haystay iyo dhaqannada bulsho.

Diinta Masiixiga marka aynu eegno kaalinta ay Marwo Maryam Al-cadraa’ kaga jirtay waxa ay ku dhoweyd marar badanna la mid ahayd kaalinta uu kaga jiro wiilkeeda Nebi Ciise (CS). Ma’aha in ay tahay hooyadii oo aabo la’aan Alle uurkeeda ku beeray oo keliya, balse waa in ay noloshiisa oo dhan ku lammaanayd illaa markii u dambaysay. Si isku mid ahna ay u tixgeliyaan dhammaan diimaha samaawiga ah oo xitaa markan dambe ee diimaha Yuhuudda iyo Masiixiyadda wax ka beddelka iyo ciyaarta lagu sameeyey ah.

Nebi Ciise (CS) kelidii haween ma’ay dabataagnayn ee Nebi Muxamed (SCW) qudhiisu waxa uu garab iyo gaashaan ka helay haweenay xurmo iyo weyni badan ku leh taariikhda Islaamka. Waa xaaskiisii Khadiija Bin Khuwaylad (Alle ha ka raalli ahaado ee). Diinta Alle ku soo dejiyey ayaa ay rumaysay, maalkeedii iyo maskadeediina waxa ay u hibaysay sidii ay nebiga ugu garab istaagi lahayd faafinta Islaamka.

Taariikhda waa ay ku badanyihiin marwooyinka garabka siiyey saygoodu, marar badanna ragga dartood dhibaato badan iyo nolol silic leh ayaa ay u samreen si ay raggoodu fursad ugu helaan guusha.

Laakiin sida ay gabadhu sabab ugu noqotay guusha rag dunida taariikh ku lahaa, ayaa ay sida oo kale sabab u noqdeen halaagga iyo dumitaanka rag kale oo meel sare hiigsanayey.

Faylasuufkii Giriigga ahaa ee Socrates ayaa isaga oo ka hadlayey xidhiidhka lammaanaha is qaba waxa uu yidhi, “Guurso, farxad baad heli ama faylasuuf baad noqon” Socrates waxad uu guursaday gabadh ardayaddiisii ahayd oo aad u hadal badnayd. Gabadhani waxa ay aad u necbayd waqtiga aadka u badan ee uu geliyo daraasadaha iyo qoraalka Falsafadda, waayo waxa ay u arkaysay in uu hawshii guriga iyo danihii qoyska kaga jeestay, sidaas awgeed joogto ayey u yasi jiray.

Socrates waxa kale oo uu leeyahay halkudheg caan noqday oo uu uu kaga warramayo in dhibtaas xaaskiisu ku haysay ay faa’iido u noqotay, waxa uu yidhi, “Gabadhan abaal badan ayaan u hayaa, haddii aanay iyadu jirin maan barteen in xikmaddu ay aamuska tahay iyo in farxaddu ay hurdada ku jirto”

Qisadan iyo boqollaal la mid ahi waa marka aynu dunida haweenka ku fiirinayno indhaha ragga. Laakiin, haddii runta hoos loogu dego waxaa taalla dood kale. Tusaale ahaan haddii uu Socrates xaaskiisa iyo gurigiisa hoos u deyi lahaa. Qiso kasta oo dhinac laga soo eegana, haddii dhinaca kale laga istaago sawirku in uu is beddelo ayaa ay u dhowdahay.

Marka aynu halkudhegga u soo noqonno, haddii beri haweenku farxad iyo faan u arki jireen in loo sheego in nin kasta oo guulaystay ay gabadhi ka dambayso, maanta doodaha ugu badan ee dumarka arrimaha haweenka ka shaqeeyaa ay ku celcelinayaan waxaa ka mid ah in halkudheggaas laftigiisu uu ahaa yasid iyo erey khiyaamo ah oo ay raggu u dejisteen si ay gabadh kasta u faham siiyaan in iyadu ay ku qasbantahay in ay ninka ka dambayso, balse aanay iyadu marnaba noqon doonin midda guulaysata ee ninku ka dambeeyo. Haween badan ayaa qora ama fagaareyaasha ka sheega in ay tahay xeelad gabadha loogu sheegayo in waajibkeedu uu yahay keliya in ay ninka guushiisa caawiso.