Farriin Dareen Taabad Leh Oo Uu Joe Biden U Qoray Shaqaalihiisa Iyo Duruusta Laga Baran Karo

0
727

Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa warqad uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanku shaqaalihiisa u qoray oo falanqayn, dood iyo fasiraado aad u badan laga bixinayey maalmihii u dambeeyey. Warqaddan ayaa ay xeeldheereyaashu ku tilmaameen mid xambaarsan xikmad ballaadhan, oo qof kasta oo dad maamulaa uu u baahan yahay in uu wax ka barto.

Warqaddu ma’aha mid cusub ee waxa uu Biden qoray sannadkii 2014 kii markii ay isaga iyo madaxeynihii hore ee Obama ku guulaysteen muddo xileedkii labaad, laakiin hadda ayaa ay soo baxday. Waxa ay ka kooban tahay 126 erey oo keliya marka laga reebo salaanta oo kooban, waxa aanu nuxurkeedu ahaa sidan;

“Ku Socota shaqaalahayga yaabka leh / heerka sare ah:

Waxa aan doonayaa in aan arrin iftiimiyo. Ma idinka filayo, mana idinka doonayo in qof idinka mid ahi uu seego ama shaqada awgeed uga maqnaado waajibaad qoys oo muhiim ah.

Waajibaadka qoyska waxaa ka mid ah, ka qaybgalka munaasabadaha dhalashada, sannadguuryooyinka muhiimka ah, aroosyada, qalinjebinaha waxbarashada, munaasabad kasta oo diimeed iyo xilliga baahida sida bukaanka ama geerida qoyska ku timaadda.

Arrimahaasi aad bay muhiim igu yihiin. Runtiina aad ayaa ay ii cadho gelin doonta haddii aan arko in aad shaqada ila joogtaan idinka oo soo seegay waajibaad qoys oo muhiim ah.  Arrintani sharci aan qornayn ayaa ay ii ahayd tan iyo markii aan xildhibaanka ahaa.

Waa ku mahadsantihiin shaqo badnaantiina”

Doodaha ay warqaddani Maraykanka ka dhex abuurtay waxaa ka mid ah in su’aalo la iska weydiiyey illaa xadka ay loo-shaqeeyeyaashu ka warhayaan shaqaalahooda, ama sida ay ugu darban yihiin hoos u ogaanshiyaha shaqaalahooda iyo la dareen noqoshadooda.

Dhinaca kalana dadka sida xeesha dheer qoraalkan u daraaseeyey waxa ay kala soo baxeen saddex arrimood oo aad u muhiim ah:

  1. Waxa ay shaqaalaha dareensiinaysa in muhiimad kasta oo shaqadu leedahay, haddana ay isaga kala sii weyn tahay muhiimadda uu siinayo shaqaalihiisa. Taasina ay tahay dabeecadda iyo habdhaqanka laga rabo maamule kasta. “Arrimahaasi aad bay muhiim igu yihiin. Runtiina aad ayaa ay ii cadho gelin doonta haddii aan arko in aad shaqada ila joogtaan idinka oo soo seegay waajibaad qoys oo muhiim ah.” Waa farriin qof kasta dareensiinaysa in muhiimadda uu maamuluhu shaqada siinayo mid la mid ahna uu shaqaalaha siinayo.
  2. Waxaa warqaddan uu Biden ku sheegay farriin dadban oo qof kasta dareensiinaysa in si kasta oo uu shaqaalaha ula dareen yahay, ulana qaybsanayo farxadda iyo murugada, haddana in uu weli isagu yahay maamulaha ay tahay in uu amarrada bixiyo. “Waxa aan doonayaa in aan arrin iftiimiyo” Ayaa uu hadalkiisa ku bilaabay. Waxa uu si dadban u dirayaa farriin ah in cidda hadlaysa ay tahay cid sarraysa oo amar bixinaysa.
  3. Marka dareenka bani’aadamnimo iyo ka warhaynta duruufta shaqaalaha laga tago. Biden waxa uu waraaqdan tababar degdeg ah ku siinayaa shaqaalihiisa. Waxa uu barayaa muhiimadda ay leedahay in qofka shaqaalaha ahi uu yeesho ‘Kala mudnaysiin’. Marka uu leeyahay “Ma idinka filayo, mana idinka doonayo in qof idinka mid ahi uu seego ama shaqada awgeed uga maqnaado waajibaad qoys oo muhiim ah…” Waxa uu dirayaa laba farriimood oo is barkan; marka koowaad waxa uu sheegayaa in qofku ay tahay in uu yaqaanno kala mudnaysiinta hawlaha kala duwan ee noloshiisa. Waxa aad ogaataa in kala mudnaysiinta hawlaha iyo in qofku uu ogaado sida uu waajibaadkiisa u kala horreysiinayaa ay ka mid tahay fureyaasha guusha. Waxa kale oo uu Biden barayaa shaqaalihiisa in shaqada aanay isku illaawin oo ay ogaadaan in ay jiri karaan waxyaabo shaqada ka muhiimsan.

Arrinta kale ee qoraalkan ku jirtaa waa diginin uu shaqaalaha siinayo, isaga oo haddana aan u muuqan in uu diginin dirayo. Waxa kale oo uu sheegayaa arrin intaasba ka fog oo ah in qofka aanu ka yeelayn in shaqadiisa uu ku dayaco ku mashquulka wax aan macno lahayn. Tusaale ahaan sababaha shaqo ka maqnaanshiyaha keeni kara ee uu tiriyey kuma uu darin in qoyska fasaxyada tamashlaha loo raaco, ama in shaqada laga tago si loo soo daawado munaasabad isboortis oo qof qoyska ka mid ah ama carruurta shaqaaluhu ay leeyihiin. Waa suurtagal in sababahan qudhooda qofka loo fasixi karo, laakiin waxa uu dareensiinayaa in ay shaqadu ka mudan tahay, ama in aan lagu talaxtegin sababaha shaqada looga maqnaanayo.

Dabcan marka uu sheegayo in arrimaha shaqada ka muhiimsan ay ka mid yihiin, kuwa uu tiriyey. Macnaha dadban ee farriintaasi xambaarsantahay waa in waxyaabaha intaas ka hooseeyaa aanay noqon Karin sabab shaqada looga maqnaado.

Waxa kale ee ay farriinta Biden xambaarsantahay waa muhiimadda ay leedahay isku xidhnaanta iyo niyadwanaag kuwada shaqaynta kooxda shaqo wadaagta ah. Waxa uu dareensiinayaa in qofka ugu sarreeya shaqada oo isaga ah iyo shaqaalaha kale oo dhami ay si calool furan u wadaagi karaan arrimaha qoys iyo xaaladaha shakhsiga ah. in qofku aanu la gabban in uu maamulihiisa kala hadlo xaaladdiisa gaarka ah ama duruufaha qoyskiisa, aroos iyo geeri mid ay tahayba. Arrintani waxa ay xoojinaysaa in kooxda shaqo iska wada war hayso iyo in maamuluhu uu shaqaalihiisa dareensiiyo in uu xubin caadiya oo ka mid ah yahay. Faa’iidada ugu weyn ee ay arrimahani leeyihiinna waa in wadashaqayntu xoogganaato.

Marka si kale loo eego arrintani waxa ay ka turjumaysaa xaaladda nafsadeed ee Joe Biden, oo isaguba xilli uu shaqaale dawladeed iyo masuul qaran ahaa soo maray duruufo adag. Ma cadda in uu wax ka tirsanayo ciddii berigaas maamulaha u ahayd, waxa se la odhan karaa ugu yaraan waxa uu bartay muhiimadda ay leedahay in xaaladaha qaar loo tixgeliyo in ay shaqada ka muhiimsan yihiin awgoodna shaqada looga maqnaan karo.

Sannadkii 1972 kii Biden isaga oo ku faraxsan guushii uu ka gaadhay doorashadii uu xildhibaanka ku noqday, ayaa maalintii xildhibaannimda loo dhaarinayey waxaa shil baabuur kuwada dhintay xaaskiisii uu jeclaa iyo inantiisii curad. Mar kale oo uu madaxweyne ku xigeen ahaana waxaa geeriyooday wiilkiisii curad oo uu ku dhacay kansarka maskaxdu, iyada oo markii uu ololaha dib u doorashada ku jiray ay culays badna ku haysay xaaladda wiilkiisa oo aad u cuslayd, inkasta oo waqtiyada uu warqaddan qorayey ay ku beegnayd mar ay xaaladda caafimaad ee wiilku deggenayd.

Ugu dambayntii waxaa la isku raacay in warqaddani ay fure u noqon karto isu soo dhowaanshiyo shaqo iyo in shaqaaluhu xurmo gaar ah u hayo loo shaqeeyaha ama maamulaha shaqada iyo shaqada laftigeeda.