Biyaha Qasabaha Ka Soo Baxaya Oo Gubanaya Ayaa Jaahwareer Ka Dhex Abuuray Degmo Ka Mid Ah Shiinaha

0
684

Warbixin uu wargeyska The Independet ee ka soo baxa dalka Ingiriisku faafiyey 25-kii Noofambar 2020 ka ayaa sheegaysa in dadka deggen degmada panjin ee gobalka Liaoning oo Woqooyiga-bari ee dalka Shiinaha ahi ay qasabadahooda biyaha ku arkeen maaddo dabka si fudud u qabsanaysa oo olol samaynaysa. Muuqaallo Fiidyow ah oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa iyaguna muujinaya dad dabqabadsiinaya biyaha qasabadda oo sida shidaalka u gubanaya.

Arrintan ayaa dad badan argagax iyo u qaadanwaa ku abuurtay, gaar ahaan markii ay soo baxeen digniino sheegaya in aanay dadku biyahan ololaya cabbin. Waxa kale oo baraha bulshada buux dhaafiyey muuqaallo muujinaya dadyow kala duwan oo biyahan gubaya. Halka warbaahinta bulshada qaybo ka mid ahina ay faafiyeen warar beenabuur ah oo muujinaya qasabadda oo biyihii oo iskood u ololayaa ay ka soo baxayaan.

Arrintan gubashada biyaha ayaa timi iyada oo horena 22-kii Noofambar ay dadka isla deegaankani laamaha amnigu gaadhsiiyeen cabashooyin sheegaya in biyaha qasabadaha ay la socoto maaddo dufan ah oo marka lagu gacma dhaqdo uu dufanku ku sii hadhayo gacmaha. Si kastaba ha ahaato ee xaqiqiada ugu dambayntii soo baxday waxa ay noqotay in biyahan degmadan ay ku faruurmeen kaydka gaasta dabiiciga ah o inyar oo ka mid ahi ay ku liigtay, taasina ay tahay sababta gubashada.