Ma Dhabaa In Dhulka Uu Ku Yaalo Qabriga Cigaal Ay Dawlada Hoose Ee Berbera Baloodhaynayso?

0
576

Picture2

Berbera(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in dawladda hoose ee magaalada Berbera ay diyaarisay qorshe ay ku baloodhaynayso islamarkaana ay dad ku dejinso dhulka uu ku yaalo qabrigii Alle haw naxarisite Madaxweynihii hore ee Somalialnd Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.  Dhulka uu qabrigu ku yaalo waxa iska leh qoyska reer Cigaal, waxaanay xubno ehelka reer Cigaal ka soo jeeda oo nala soo xidhiidhay sheegeen in dawladda hoose ee Berbera ay soo dejisay dad islamarkaana ay doonayso inay deegaamayso, waxaanay sheegeen in sidoo kale ay dawladda hoose iyo maayarkuba sheegeen inay doonayaan inay jid cusub mariyaan duleedka qabriga madaxweynihii hore taas oo ay ehelka marxuum Cigaal iyo dad kaleba si adag uga soo horjeesteen.

Maayarka Berbera Mr. Cabdishakuur Cidin oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Laakiin dadweynaha reer Berbera ayaa dhawrkii caano maal ee ina soo dhaafay arrintan aad u hadal hayay iyagoo is weydiinaya sababta ay dawladda hoose u doonayso inay dad dejiso islamarkaana ay jidad ka samayso dhulka uu madaxweynihii hore ku aasanyahay oo sidoo kale ah dhul ay sharciyan qoyska reer Cigaal iska leeyihiin.