Burco: Taliye-xigeenka Booliska Oo Xadhiga Ka Jaray Saldhig Cusub

0
527

Picture1Burco(Geeska)-Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Liibaan (Fooxle) ayaa shalay xadhiga ka jaray Saldhiga Faarax Oomaar ee Magaalada Burco oo dib u dhis Casri ah lagu sameeyay.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka Saldhigan ayaa waxa ka soo qabgalay Masuuliyiinta Laamaha Dawladda gobolka Togdheer ,Taliyayaasha Ciidamadda gobolkaasi , Saraakiil ka kala socday Wasaaradda Arimaha gudaha ,Hay’adda Undp ,iyo Madax-dhaqameed kala duwan .

Taliye Ku xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Liibaan(Fooxle) isagoo ku dheeraaday Muhiimada uu saldhigani leeyahay ayaa yidhi .

“ Saldhigani waa sal dhig casri ah oo noociisu yahay kuwa ilaaliya Xuquuqda Aadamiga,waxaa uu leeyahay ciidan loo soo tababaray , gaadiid ,qalab dhamaystiran iyo qaybtii dumarka , caruurta ,waxaan leeyahay taliya saldhigana ,waxaan leeyahay waa in aad ilaaliso cadaalada , Qalabka saldhiga iyo gaadiidkaba.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay amniga gobolka waxaanu yidhi. “ Hadii aan ka waramo amaanka  Gobolka Togdheer Boqolkiiba Boqol waa wanaagsanyahay hadii ay tahay Gudaha iyo hadii ay tahay dibada Magaalada,gaadiid iyo wax qabad badan bay na siiyeen taliyaha Ciidanka Bioolisku laakiin Magaalada iyo Gobolkaa ka badan oo waanu baahanahay kuwa kale.

 Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Mr Ubaxle ,Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Burco oo ,Madaxa Hay’adda UNDP ee Somaliland Mr Stephen iyo madax dhaqameed kala duwan kuwaasi oo dhamaantood ugu baaqay Saraakiisha Saldhigan cusub in ay cadaalad iyo sinaan dadweynaha reer Burco ugu shaqeeyaan.

Dhismaha cusub ee Saldhigan lagu kordhiyay ayaa ku soo beegmaya xili Ciidamadda Booliska gobolka Togdheer Baahiyo waaweyn u qabaan kordhinta Saldhigyadda Magaalada Burco iyo guud’ahaan Deegaamadda gobolka Togdheer.