Balaayiin Dolar Iyo Boqolaal Ton Oo Dahab Ah Ayuu Qadaafi Ku Qarsaday Bakhaarro Ku Yaalla Koonfur Afrika

0
528

Picture3Pretoria (Geeska)- War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeys ka soo baxa Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Independent Online ayaa sheegaya in madaxweynaha dalkaas Jacob Zuma uu soo waajahay khilaaf caalami ah oo la xidhiidha Balaayiin Doolar iyo boqollaal ton oo ka mid ah hanti uu Qaddaafi dalkaas ugu qarsaday sifo sharci ah iyo mid aan sharci ahaynba.

Warbixintan uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in boqollaal Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, boqollaal ton oo dahab ah iyo dheemman iyo macdano qaaliya oo lagu qiyaasay 1200 kg uu Qaddaafi dhigtay toddoba bakhaar oo qarsoodi ah oo ku yaalla magaalooyinka Jo'burg iyo Pretoria ee Koonfur Afrika, hantidaas oo uu wargeysku ku sheegay kaydkii abid ugu weynaa ee dunida soo mara ayaa si toos ah looga soo dhoofiyey magaalada Tripoli ee xarunta dalka Libya iyada oo lagu soo daabulay diyaarado 62 jeer labada dal isaga gudbay oo ay duulinayeen ciidamada gaarka ah ee Koonfur Afrika, xilligaas oo ay socotay waan-waantii la doonayey in Qaddaafi lagu qanciyo in uu xilka iskaga dego oo magangelyo laga siiyo dalal dhowr ah kii uu doorto, gaar ahaan mar uu hawshaas dalka Liibiya u joogay madaxweynaha Koonfur Afrika oo doonayey in uu Qaddaafi arrintaas ku qanciyo.

Wargeyska Independent Online waxa uu caddeeyey in 2 Tirilyan oo doolar oo ah lacag uu Qaddaafi kaydsaday ay taallo bakhaarro kala duwan oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, taas oo aanay ku jirin boqollaal Bilyan oo iyaga la og yahay bakhaarrada ay yaallaan, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in lacag ka badan 260 Bilyan oo doolarka Maraykanka uu Qaddaafi sifo sharci ah u dhigtay afar bangi oo ku yaalla Koonfur Afrika, waxaa iyaguna intaas dheer lacago aad u badan oo uu dalkaas sifo sharci ah ugu maalgashaday, gaar ahaan hudheello hurdo oo ku yaalla magaalooyinka Johannesburg iyo Cape Town, kuwaas oo uu ganacsi ahaan lacago badan ugu maalgashaday.

Xogo dheeraad ah oo uu helay wargeyska Independent Online ee uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegaya in maamulka hadda ee dalka Liibiya uu Qaramada Midoobey u gudbiyey cabasho rasmi ah oo arrintaas la xidhiidha, iyaga oo sidoo kalana madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ugu hanjabay in haddii aanay dowladdiisu sida ugu dhaqsaha badan hantidaas dib ugu soo celin Liibiya ay dacwad la xidhiidha eedo xatooyo ka geyn doonaan maxamadda dembiyada ee caalamiga ah. Sidoo kale waxa uu wargeysku helay dhukumantiyo ay leedahay xukuumadda Koonfur Afrika oo si rasmi ah u caddaynaya in ay jiraan lacago aan ka yarayn 179 Bilyan oo doolar oo sifo sharci darro ah uu Mucammar Al-Qaddaafi ugu qarsaday bakhaarro ku yaalla degmada yar ee Gauteng oo ka tirsan magaalada Johannesburg.

Xukuumadda Liibiya ayaa mar sii horreysay dhistay guddi lagu magacaabo, ‘Guddida Qaranka ee dabagalka iyo soo celinta hantida iyo lacagaha la xaday iyo akoonnada qarsoodiga ah ee bangiyada dunida ka furan’ warkan ayaa intaas ku daray in durbadiiba laba shirkadood oo kala ah WAGC oo ay wada leeyihiin Maraykan iyo Liibiyaan xarunteeduna tahay Washington iyo shirkadda Sam Serj oo xarunteedu tahay dalka Malta madaxna uu ka yahay nin Liibiyaan ahi ay u tageen masuuliyiinta Koonfur Afrika iyada oo mid kastaa sheeganaysa in ay tahay wakiilka keliya ee sifo sharci ah xukuumadda Liibiya ugu meteli kara arrimaha la xidhiidha lacagahan iyo hantidan Qaddaafi ka tegey, laakiin waxa uu warku sheegayaa inay labada shirkadoodba yihiin kuwo been abuur ah oo sifo khiyaamo ah lacagahaas ku hungureeyey.