Madaxweyne Siilaanyo Oo Dunida Farriin U Diray, Daboolkana Ka Qaadanay Inaanay Somaliland Ka Qayb Galayn Shirka Denmark Ee Somaliya Loo Qabanayo

0
572

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa mar kale ku celiyay inaanay Somaliland ka qayb geli doonin shirka Denmark lagu qabanayo ee lagaga hadlayo Somaliya iyo horumarkeeda.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay inay Somaliland ka darajo duwantahay Somaliya, “Somaliland kama qayb galayso shirka Copenhagen.” Ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaas raaciyay, “Dhawr jeer ayaanu cadaynay inay Somaliland ka duwantahay.”

Qoraalkan kooban oo la geliyay barta Madaxweynuhu ku leetyahay twitterka, November 3, waxa ay u muuqataa in farriin diblomaasiyadeed loo dirayo cid aan la sheegin oo laga yaabo inay Somaliland mar kale ka codsatay inay shirkaas ka qayb galaan, iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo dhawr munaasibadood ka cadeeyay inaanu shirkaasi ahayn mid khuseeya Somaliland balse uu yahay mid u gaar ah arrimaha dalka Somaliya.