Dhallinyaradii Reer Borama Ee Xidhnaa Oo La Soo Daayay

0
711

Picture1Borama(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa shalay magaalada Borama gaadhsiiyay dhallinyaro dhawaan loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera oo la soo daayay.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL MD C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qayb galay munaasabad lagu sii sagootinayey dhalinyaradii dhowaan loo xidhxidhay Xiisaddii Suldaan Wabar, kuwaas oo laga soo daayey Xabsiga Mandheera loona gudbiyey Dhanka Gobolka Awdal.

Wasiir Warancade ayaa dhallinyarada gaadhsiiyay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal, waxaanu sheegay in xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Borama oo iyagu weli xidhan ay wada hadlayaan dawladda Somaliland oo ay ka tirsanyihiin.

Wuxuu Warancade sheegay inay u kuur-galayaan xaaladda gobalka Awdal, iyagoo sheegay is waraysan doonaan madaxdhaqameedka.