Lix Talo Oo Qof Kasta Ka Caawinaya In Aanay Ku Soo Degdegin Calaamadaha Gabowga

0
922

Hargeysa (Geeska)- Cimrigu ma’aha sida dadka qaar moodaan tiro tirsiimo oo ku xardhan shahaadada dhalashada, ama aqoonsiyadaada kale. Mana’aha shahaado waayo-aragnimo oo hadba inta kaa yar loogu faano. Balse cimrigaaga runta ahi waa hadba inta uu yahay caafimaadkaaga iyo dareenka da’ yaraanta ee qalbigaaga ku duugani, si kasta oo aad u gabowdo labadaas ayaa xakamaynaya gabowgaaga runta ah.  Haddaba qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin ay khubarada caafimaadku siinayaan ruux kasta oo jecel in uu dib dhigo calaamadaha gabowga.

  1. Iska jir mac-macaanka:

In aad xoogga saarto hab-nololeedka caafimaadka qabaa waxa ay xoojinaysaa caafimaadkaaga jidheed iyo maskaxeed, waxa aanay dib dhigaysaa calaamad kasta oo gabow muujinaysa. Sidaa waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in la raaco dhowr tallaabo oo fudud laakiin leh muhiimad ah in calaamadaha gabowgu kaa raagaan, iyo in caafimaadkaagu fiicnaado.

Waxaa ka mid ah cunista mac-macaanka badan oo ay khubaradu si aad ah uga digeen, iyaga oo tilmaamaya in sonkortu ay keento gabowga maqaarka, iyo in jidhku uu lumiyo jileecada iyo nolosha dabiiciga ah ee uu leeyahay.

  1. Xusuusaha quruxda badan .. guusha

Bare jaamacadeed oo lagu magacaabo Kaalows Rotermand ayaa waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Deutsche Welle (DW) oo dalka Jarmalka laga leeyahay waxa uu ku sheegay in qofku marka uu weynaado uu u baahan yahay kalsooni nafeed oo badan in uu yeesho. Khabiirku waxa uu ku talinayaa in qofku uu xoogga saaro arrimaha togan, kuna dadaalo in uu barto sida ugu habboon ee uu isu illowsiin karo ama dhan isaga duwi karo arrimaha taban.

Waxa uu dhakhtarku sheegay in xusuusaha fiican oo maskaxda lagu soo celceliyo iyo guusha uu qofku gaadho dhalinyaronimadiisa oo uu xasuustaa ay caawiyaan in qofku da’diisa gabowga ku raaxaysto.

  1. Jimicsiga

Mar kasta oo ay da’i qofka u korodho waxaa u fiican in uu ku dadaalo sidii uu noloshiisa ugu raaxaysan lahaa. Waxaa muhiim ah in uu iska jiro cuntada inta badan dhadhameeda la jecelyahay, ee dufanka iyo macaanku ku badan yahay, waana in uu joogteeyo jimicsiga.

Jimicsigu waxa uu dib u riixaa soo bixista calaamadaha gabowga. Faa’iidada ugu weyn ee jimicsigu keenaana waa in jidhka daaliyo iyo in uu burburiyo qaar ka mid ah tifaha muruqyada. Waa run in ay arrintani bilowga qofka xanuun ku keento, laakiin waxa aad ogaataa in jidhku uu ka shaqaynayo sidii uu dib ugu abuuri lahaa una kabi lahaa dhaawacaas, waxaanu inta badan samaystaa muruqyo cusub oo kuwii hore ka awood badan.

  1. Lidka Mariidka

Muddo marka uu qofku jiro waxa uu jidhku lumiyaa awooddii uu u lahaa la dagaallanka electaroonnada loo yaqaanno (Unpaired Electrons) oo inta badan ka dhasha raadka ay maaddooyinka kiimikaad ee jidhka gaadhaya iyo wasakhogu ka tagaan, kana mid ah sababa soo dedejiya gabowga.

Waxa ay khubarada caafimaadku k utalinayaan in qofku uu ku dadaalo isticmaalka maaddooyinka mariidka / suntan ku liddiga ah, sida faytamiinnada A , C, E iyo Beta carotene oo laga helo khudradaha iyo midhaha kala duwan, shaqada ay qabtaanna ka mid yihiin in ay wanaajiyaan unugyada, iyo in ay ka hortagaan in maaddooyinka kiimikadu ay dhaawac ama raad taban ku yeeshaan unugyada.

  1. U fiirsi

Saarah Laasaal oo ah xeeldheere cilmiga neerfaha ku takhasusay oo ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in qofka oo u fiirfiirsada arrimaha ku xeerani ay kaalin muhiim ah oo weyn ka qaadato dib u riixidda soo daahiridda calaamadaha gabowga.

Cilmibaadhis ay Saarah samaysay sannadkii 2005 ayaa ay ku ogaatay in u fiirsiga oo la joogteeyaa uu dib u riixo caajiska iyo gaabiska dabiiciga ah ee maskaxda lagu yaqaanno mar kasta oo uu qofku sii weynaado.

  1. Xidhiidhada fiican

Cilmibaadhis kale oo ay jaamacadda Harvard ka samaysay horumarinta dadka qaangaadhka ah ayaa muujisay in xidhiidhada bulsho ee wanaagsani ay xoojiyaan caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka, taasina hor seeddo calaamadaha gabowga oo ka dib dhaca.

Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka oo bulshada ka dhex baxa ama gaar uga faquuqnaadaa ay sababi karto xaalado caafiamad darro oo nafsadda iyo jidhkaba khatar ku ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in xidhiidhada bulsho ee aaminka ahi ay caawiyaan in ay yaraadaan hormoonnada jidhku soo daayo ee uu ka mid yahay Cortisol oo la ogyahay in uu ka mid yahay sababaha gabowga soo dedejiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here