Baarlamaanka Oo Saaka Go’aan Ka Gaadhaya Xaaladda Deg Deg Ah, Labada Taliye Ciidan Oo Bilaabay Inay Fuliyaan Amarka Madaxweynaha Iyo Waddani Oo Ka Horyimid

0
990

Hargeysa(Geeska)-Labada gole Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada ayaa saaka isugu imanaya fadhi aan caadi ahayn oo ay go’aan kaga gaadhayaan xaaladda deg deg ah ee uu Madaxweyne Biixi ku soo rogay Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobalka Sanaag.

Fadhiga Saaka

Shirguddoonka Baarlamaanka ayaa xildhibaanada soo hordhigi doona wareegtada uu Madaxweynuhu Xaaladda deg deg ah ugu soo rogay degmooyinkaas iyo sababaha keenay, waxaanay xildhibaanada ka dalban doonaan inay codka kalsoonida u qaadaan si uu go’aanka Madaxweyne Biixi ee saddexda bilood ee xaalada deg dega ahi u noqdo mid sharci ah.

Lama oga in Baarlamaanku ansixin doonaan xaaladan deg dega ah, laakiin dad badan ayaa aaminsan in labada gole Baarlamaan si durduro ah ku meelmarin doonaan soo jeedinta Madaxweyne Biixi ee in ah saddexdaas degmo la geliyo xaalad deg deg ah.

Madaxda Ciidamada

Geesta kale labada taliye ciidan ee qaranka iyo Booliska sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Sareeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay sheegay inay si rasmi ah u fulinayaan amarka Madaxweyne Biixi ee xaalada deg dega ah.

Taliye Taani ayaa ugu horayn wuxuu yidhi “Sidaad ogtihiin 2017-kii ilaa hada dhulkaas aan idiin soo sheegay ee ay qaarna Sanaag yihiin qaarna Sool dhibaatooyin bdan ayaa ka taagnaa ciidamada qaranka haday yihiin boolis iyo milatariba afartaas hawshooda ayay ku jireen, xoog badan ayaa ku baxay dhib badan ayaa naga qabsatay dawladuna dhaqaale badan ayay galisay, maamulkii hore ee madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkan hada jooga ee madaxweyne Muuse Biixi intuba xoog ayay galiyeen, haldoorkii culimo, salaadiin inay ilaa hadaba ay Ceelafweyn joogeen si beelaha halkaas isku diriraayay nabadgalyo looga dhigo hada waxay ku dhex jireen inay u kala wareejiyaan geelii iyo hawlii caynkaas ahaa, ciidamaduna intaas way ku dhex jireen oo nabada way ilaalinayeen sidaas si leeg Soolna waxa loo kala qaadayay Geelii beelahii ku dagaalamay  Dhumay, dhibtaas iyada oo lagu soo jiray oo sheekh iyo shariifba lagu dadaalayay oo khaarashbadana lagu bixiyay hadan hawshii way joogsan la’dahay, waad la socotaan doraad in la dilay niman saraakiil ah oo ciidamada ka tirsan oo waajibkoodii gudanaayay oo aan wax danbi ah galin, iyagu waa shahiidiin oo wax danbi ah may galin laakiin maxay ku dhinteen ragaasi ayaa  meesha taala, wadanka Somaliland waa la wad adegan yahay oo meel kasta waa la joogaa inan yar oo aan waxba garanayn ayaa aano u keenaya nin weyn oo mutacalim ah oo wadanku ka maarman dhibaatooyin badan ayaa gobaladaas jira, taas ayaa keentay in ciidamadu la wareegaan Ceerigaabo,Ceelafweyn iyo Gar-adag gaar ahaan booliska iyo milatariguba inay la wareegaan awoodooda oo xukun ciidan lagu hayo ilaa inta nabadgalyada aagaas laga xasilinaayo.”

Taliye Taani oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waajibkayaga dastuuriga ah weeye qof kasta oo reer Somaliland ah meel kasta ha joogee inaan nabadgalyadiisa ilaalino ciidamadana shicibka ayaa iska leh marba dawlada joogtaa ha hogaamiso laakiin ciidamadu ma dhacaan ee dawladaha ayaa dhaca oo wakhtigu ka dhamaadaa ciidamada umadda ayaa leh, umadda nabadgalyadeedana anaga ayaa nalaga rabaa ta aanu hada ku dhaqaqaynaana waa nabadgalyadii dadka reer Somaliland meel ay joogaanba, waxii nabadgalyada qaranka hawl galinaaya wax kastaaba ha ku baxaane talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa. Amarka dawladu waxay u soo saartayna waa sidaas in dadka la nabadgaliyo arintaasi waa taas waanuna fulinaynaa cidii ka hortimaadana talaabo ayaanu ka qaadaynaa.”

Taliye Fadal oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Maadaama oo aanu nahay labadii taliye ee kala xukumaayay ciidanka milatariga iyo booliska nabadgalyada qaranka iyo shacabka Somalilandna ay dusha ka saaran tahay inaan shacabkana wax u sheegno oo aanu u faahfaafino ciidamada iyo waxay qabanayaan, sidaad la socoteen war idinkuma seegana waxii ka dhacaayay sanadii ugu danbeeyay gobalkaas Sanaag meelo badna oo ka mid ah waad ogtihiin inta nafo ku naf waayay inta ku dhaawacantay inta qasaare hantiyeed timi xoolo kale ku baaba’ay dhamaan waxaas waad la socoteen, waxa kale oo aad ogtihiin siyaasyiin salaadiin culimo, akhyaar iyo qaranka Somaliland madaxdiisa inay u guntadeedn gobalkaas iyo gobaladii kale ee arimuu ka dhici jireenba.

Waxa la dilay laba sarkaal oo ciidamada qalabka sida ka kala tirsan booliska iyo asluubta,oo waajibaadkoodii ku dhex jira sababta loo dilay wax caqliga aadmigu qaadan karo maaha, arimahaas iyada oo laga duulayo iyo ilaalinta amniga qaranka ayaa uu madaxweynuhu waxa uu ku soo rogay muddo 3 bilood ah xaalad degdeg ah gobalka Sanaag, siiba degmooyinka

Ceerigaabo,Ceelafweyn iyo Garadag.”

Taliye Fadal wuxuu intaas raaciyay “Saddexdaas degmo ciidamada qalabka sida ee Milatariga iyo boolisku waxay ku jiraan markii uu falku dhacay hawlgalka ay bilaabeen, jiido kala duwan iyaga oo wada socda oo is kaashanaaya.ciidamadu iyaga oo dhamaantood is kaashanaaya oo gacan kala helaaya inay si adag nabadgalyada u sugaan oo ay galaan heegankaas. Ciidamadu waxay qaban karaan oo xayiri karaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka cid kasta oo looga shakiyo inay nabadgalyada khatar ku tahay, waxay qaban karaan cid kasta oo ciidamadaas hawlgalka fulinaaya ee sugaaya amniga qaranka iyo shacabka Somaliland  is hortaagta ama ficilo borobogaando ah ama kicina kuala kacda. Degmo kasta waxa maamulkeeda iyo hawlgalkeeda iyo shaqadeeda saddexdaas bilood gacanta ku haynaaya ciidamada qalabka sida milatariga iyo booliska oo ciidamada kalena kaashanaaya. Waxaana degmooyinkaas laga samayn doonaa baro maamul oo laga hogaamiyo hawlgalada.”

Waddani

Geesta kale xisbiga Waddani ayaa si adag uga horyimid amarka uu Madaxweyne Biixi bixiyay ee ah xaaladda deg dega ah.

Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa yidhi, “Runtii Xaalada deg dega ah waa arin xumada iyo ayaan darooyinka xukuumada kulmiye haysata gobalka Sanaag waa gobal ka mid ah gobalada Somaliland, gaar ahana kuwooda u baahan horumarka aas aasiga u ah ilaha adeega bulshada sida caafimaadka,waxbarashada, wadooyinka iyo kaabayaaasha dhaqaalaha iyo ka faa’idaysiga khayraadka gudihiisa ku duugan gobalkii noocaas ahaa ma gayo gaf ayayna ku tahay In talo xumada xukuumada Kulmiye haysataa xuquuqada baahida bulshada baaxada leh ee gobalkaas degan khalad ay afar qof galeen in xaalad degdeg ah loogu soo rogo, talaabada noocan ah waxay xayiraad hor leh saaraysaa caafimaadka bulshada deeganadaas degan waxay caqabad ku noqonaysaa waxbarashadooda iy gargaarka haayadaha caalamiga ah, waxaanu cod dheer ugu baaqaynaa golayaasha sharci dajinta in aanay aqbalin xukunkaas milatari ee gobalkaas lagu soo rogay, ka sixbi ahaan waanu ka digaynaa lama aqbali karaayo masuuliyad darada wasaarada arimaha gudaha in gobal dhan xayiraad loo saaro, waxay ahayd shalay wasiirka iyo wasaaradu maadaama oo ay fashilmeen amaanada iyo xilka ay qaranka u hayeen inay soo celiyaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here