Lix Arrimood Oo Sabab U Noqon Kara Xaalado Caafimaad Darro Oo Qofka Noloshiisa Galaafta (Q.2)

0
654

London (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waa aynu ku eegaynaa caadooyinka cunto iyo cabbitaan ee ugu khatar badan caafimaadka sida ay caddaynayaan daraasadaha khubaradu sameeyeen.

3. Sigaar nuugista: Sigaarku waxa uu ugu horreeyaa waxyaabaha ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in aadamaha ay ku keenaan geeri, dhibaatooyinka caafimaad ee uu leeyahayna waa kuwo aan la soo koobi karin. Cilmibaadhis cusub ayaa iyaduna mar kale sii caddaysay in sigaar nuugistu  ay ka khatar badan tahay sidii hore loo moodayey, tirokoobyada qaarna waxa ay muujinayaan in dalka Maraykanka oo keliya ay sannad kasta sigaar nuugista u dhintaan dad tiradoodu ka badan tahay 480 kun oo ruux.

Eric Jacobs oo ka mid ahaa khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in illaa hadda inta la og yahay ay jiraan 21 cudur oo dhammaantood xidhiidh toos ah la’ leh sigaar nuugista, waxaana ka mid ah macaanka iyo 12 nooc oo cudurka kansarka ka mid ah iyo sidoo kale 6 qaab oo ka mid ah cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga. Cilmibaadhayaashu waxa ay saadaalinayaan in dadka sigaarka cabbaa ay dhimashada kaga badan yihiin kuwa aan nuugin, laakiin bishaarada ay sheegeen ayaa ah in qofku marka uu sigaarka iska daayo ay khatartaasi si tartiib-tartiib ah hoos ugu dhacdo.

4. Maaddooyinka la isku qurxiyo iyo kuwa la isku nadiifiyo: In lagu talax tago isticmaalka maalinlaha ah ee kiriimada iyo maaddooyinka la isku nadiifiyo ama la isku qurxiyo sida, shaambooga, Balsamka, waxyaabaha jidhka lagu nadiifiyo, kiriimada duxda siiya jidhka, waxyaabaha guryaha lagu nadiifiyo, cadarrada hawada lagu udgooneeyo (Air Fresh) iwm. Waxa aanay saamayn taban ku yeeshaan caafimaadkeenna, sababtuna waa raadadka kiimikaad ee ay kaga tagto.

Daraasad lagu baadhay sababaha loo tiirin karo kor u kaca weyn ee ku yimid dadka uu ku dhaco cudurka Kansarka noocyadiisa naaska iyo qanjidhka dhalmada ee ragga, iyo sidoo kale khalkhalka ku yimaadda dhiigga caadada ee dumarka oo aad u soo badanaya, ayaa daahfurtay in kiriimada iyo walxaha kale ee loo isticmaalo nadaafadda, isqurxinta, iyo daryeelka jidhku ay ka mid yihiin sababaha keena cudurradan, sababta ugu weynina waa maaddooyinkan oo isbeddello ku keena hormoonnada.

Talefishanka SWR oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa dhowaan baahiyey filim uu cinwaan uga dhigay, ‘Sunta ku jirta Shaambooga iyo kiriimada’ waxa aanu barnaamijkani si gaar ah u baadhay xidhiidhka ka dhexeyn kara kiriimada jidhka la mariyo ama lagu nadiifiyo, iyo kor u kaca kansarka noocyadiisan, waxaana soo baxay in maaddooyinka isku-dhis ee kiriimadan iyo Shaambooyadan lagu daro si ay jidhka uga ilaaliyaan fallaadhaha tooska ah ee qorraxdu in ay iyagu sabab u noqdaan kansarka naaska iyo qanjidhka dhalmada ee ragga. Khubaradu waxa ay sheegeen in kiriimadani ay qofka ku keeni karaan ma’ dhalaysnimo, isla markaana ay dumarka ku keenaan khalkhal ah dhiigga caadada ah.